600 Deg-deg Daawo Sawiro: Shil gaadhi oo maanta ka dhacay duleedka Magaalada Buuhoodle | khaatumo news online
dahabshiil

Deg-deg Daawo Sawiro: Shil gaadhi oo maanta ka dhacay duleedka Magaalada Buuhoodle

Buuhoodle(Khaatumo news) Shil baabuur ayaa  Saaka dhacay duleedka magaalada Buuhoodle, gaar ahaan jidka deegaanka Dhillaalo loo maro.

Labada Gaadhi ee shilka galay ayaa mid kamid ah oo Land Cruiser ahaa kusii jeeday Laascaanood, Hal   gaadhiga  kale oo siday qaad uu ahaa  NOAH-da nooca loo yaqaan.

“Ilaahay ayaa mahaddaas leh oo aan wax yeelin siddeed qof oo aannu labada gaadhi ku kala saarnayn, marka la ga reebo dhaawacyo fuddud oo jidhka ah iyo kuwo dhanka dareenka ah. Buuhoodle ayaa aannu dib ugu noqonay.

Aadan ahaan waa markii koowaad ee uu shil la kulmo gaadhi aan saaranahay. Sadaqo ayaa na gu waajibtay saaka marka loo eego culayska shilka iyo khasaare nafeed oo aan ka dhallan. Eebboow waa kugu shugri oo waa ku gu mahad. “ Ayuu yidhi Aadam Jaamac Oogle oo kamid ahaa dadkii Gaadiidka saarnaa.

Gaadiidka Qaadka ayaa Xawaare sare ku socda, Wadooyinka oo Hal dhinac ah (One-way) ayaa Sababta Inta badan khasaaraha Shilalka gaadiidka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo Muqdisho Oo Laga Furay Xaarun Lagu Iibiyo Ciyaalka
- Sep 20, 2020
Deg Deg Daawo Muqdisho Oo Laga Furay Xaarun Lagu Iibiyo CiyaalkaMagadalada Muqdisho ee Caasimada ...
Deg Deg Daawo Gaarad Jamac Gaarad Cali oo Lagu So Dhaweyey Degmada Boocame
- Sep 18, 2020
Waxaa Munasabada lagu So Dhaweynayey Garaad Jaamac Garaad Cali Kaa Qey Galay Qeybaha Kala ...
War Deg Deg Ah:-Raysal Wasaaraha Somalia Oo Hada La Magacaabay iyo Beesha u ka Soo Jeedo,
- Sep 18, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inuu noqdo ra’iisul ...
War Deg Deg Ah:15 Qodob Oo Dawlada Iyo Maamul Goboleedyadu Ku Heshiiyen
- Sep 17, 2020
Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu ...
War deg deg ah:-Dawlada Turkiga Oo Wiil Buuhoodle Jooga U Qaadatay Samaynta Diyaaradaha
- Sep 17, 2020
Dawladda Turkiga ayaa shaacisay in Muwaadin Soomaaliyeed oo dhalinyarro ah laguna magacaabo Guuleed Adem ...