600 War Deg Deg Ah::-Saraakiil Uu Ka Mid Yahay Jen Gabre Oo La Amray In La Soo Xidho | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Ah::-Saraakiil Uu Ka Mid Yahay Jen Gabre Oo La Amray In La Soo Xidho

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in booliska Federaalka ee waddankaas ay waaran soo qabasho ah u jareen 76 sarkaal oo ka tirsan milateriga, kuwaas oo loo haysto khiyaano qaran.

Saraakiishan oo darajooyin kala duwan leh ayaa u badan qowmiyadda Tigray, waxaana ka mid ah Jen Gabre oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya.

Dhanka kale, xukuumadda Itoobiya ayaa beenisay inay beegsanayso dadka rayidka ah ee deegaanka Tigray, xilli uu meel adag marayo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

Waxaa aad u adag in xog sax ah laga helo goobaha uu dagaalka ka socdo maadaama khadadka isgaarsiinta ay wali go’an yihiin.

Hogaanka Tigray ayaa sheegay inay iska caabiyeen duulaanka, waxaana ay xukuumadda Addis Ababa ku eedeeyeen inay beegsanayso dadka rayidka ah.

Weli waxaa socda qulqulka qaxootiga ka cararaya colaadda Tigray ee gaaraya Sudan oo daris la ah dalka Itoobiya.
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka
Billene Seyoum oo ah afhayeenka rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa beenisay wararka sheegaya in meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Itoobiya la xirxirayo dadka kak soo jeeda qowmiyadda Tigrey.

Balse waxay qirtay in uu jiro xarigga xubno ka tirsan waxa ay ugu yeertay shabakad dambiilayaal ah.

Dhanka kale Ciidamada dowladda fedaraalka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen magaalooyiin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Tigrey.

Magaalooyiinka ay militariga qabsadeen ayaa waxaa ay kala yihin Shire iyo Axum.

Hogaamiyaha goboilka Tigrey Debretsion Gebremichael, oo qudhiisa ku dhashay magaalada Shire, ayaa telefishinka maxaliga ah u xaqiijiyay in magaalooyiinkaasi ay gacanta u galeen ciidamada fedaraalka.

Balse waxaa uu guusha ciidamada dowladda ku tilmaamay mid kumeelgaar ah.

Dowladda Sudan ayaa sheegtay in dad gaaraya 36,000 qof oo dagaalada ka soo cararay ay soo gaareen dalkeeda.

Qaramada Midoobey ayaa ka digeysa xaalad bina’aadanimo oo ka dhalata dagaalka ka socda gobolka Tigrey ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

script>
Muuse Biixi Oo Aad ugu Faraxsan Talaabo uu Qaaday Farmaajo
- Nov 30, 2020
Siyaasiyiinta Isaaq marka ay timaado inay Soomaali inteeda kale ay siyaasadda wax kula qaybsadaan ...
DAAWO:;Sacuudiga oo Codsi weyn u diray Dawlada Turkiga
- Nov 30, 2020
https://www.youtube.com/watch?v=smUEHrWTbIY
War Deg Deg Ah:Alshabaab Oo Dagaal kula Wareegtay Deegaan Ay Gacan ku hayen Galmudug iyo Hubka ay qabsaden.
- Nov 30, 2020
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii ...
Deg Deg Daawo; Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay danjiraha dalka Kenya Mudane Maxamuud Nuur Tarsan
- Nov 30, 2020
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Maxamuud ...
Deg Deg Daawo; Soo madaxwaynaha DDS Mustaf muxumed omar Senterka Heegaale.
- Nov 29, 2020
Madaxwayne Dawlada Deegaanka Soomaalida Oo Lagu So Dhaweyey Santarka Domco Degmada Bookh Waxaa Halkaas ...