600 imaaraadka oo beddelay sharciyo diinta islaamka ku salaysnaa | khaatumo news online
dahabshiil

imaaraadka oo beddelay sharciyo diinta islaamka ku salaysnaa

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa tirtiray dhowr sharci oo diinta Islaamka ku salaysanaa si dalku u qaado toobiyaga ‘calmaaniyada’, sida uu wariyay Wargeyska Financial Times.

Cabista khamriga shati la’aan, iyo lammaane wada nool guur la’aan ayaan noqon doonin dambi. “Tallaabooyinkan, oo si gaar ah wax u tari doona dadka shisheeyaha ah ee ku nool dalka shidaalka ka hodmay, waxaa keenay dib-u-eegis sharciyeed oo laba sano socday, sida sarkaal uu sheegay” ayuu wargeysku qoray.

Covid-19 ayaa saameeyay dhaqaalaha Imaaraadka uu ku tiirsanaantiisa shidaalka lagu yaraynayo isku-dhaf dhaqaale.

“Dalka Imaaraadka Midoobay ee Carabta ayaa mar kale muujinaya awooddiisa inuu soo jiito malaayiin qof oo ka kala imanaya dunida si ay uga shaqeeyaan uguna noolaadaan halkan” ayuu wargeyska The National ku faallooday.

Covid-19 ayaa saameeyay dhaqaalaha Imaaraadka ka sokow qorshayaashii jiray si dalku u yareeyo ku tiirsanaanta shidaalka isku-dhaf dhaqaale kaddib. Tobankii qof oo ku nool Imaaraadka sagaal baa shisheeye ah.

Ku casriyeynta bulshada waxbarashada iyo ballaarinta xuquuqda haweenka ayaa ah laba siyaasadood oo Imaaraadku qaatay si uu ugu babacdhigo Xagaagii Carabta lagu riday dhowr talis.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

script>
Muuse Biixi Oo Aad ugu Faraxsan Talaabo uu Qaaday Farmaajo
- Nov 30, 2020
Siyaasiyiinta Isaaq marka ay timaado inay Soomaali inteeda kale ay siyaasadda wax kula qaybsadaan ...
DAAWO:;Sacuudiga oo Codsi weyn u diray Dawlada Turkiga
- Nov 30, 2020
https://www.youtube.com/watch?v=smUEHrWTbIY
War Deg Deg Ah:Alshabaab Oo Dagaal kula Wareegtay Deegaan Ay Gacan ku hayen Galmudug iyo Hubka ay qabsaden.
- Nov 30, 2020
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii ...
Deg Deg Daawo; Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay danjiraha dalka Kenya Mudane Maxamuud Nuur Tarsan
- Nov 30, 2020
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Maxamuud ...
Deg Deg Daawo; Soo madaxwaynaha DDS Mustaf muxumed omar Senterka Heegaale.
- Nov 29, 2020
Madaxwayne Dawlada Deegaanka Soomaalida Oo Lagu So Dhaweyey Santarka Domco Degmada Bookh Waxaa Halkaas ...