600 Kashifaad Muuse Biixi Oo Arrin yaab Leh Ka Codsaday Hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay. | khaatumo news online
dahabshiil

Kashifaad Muuse Biixi Oo Arrin yaab Leh Ka Codsaday Hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay.

Qoraal dheer oo shalay lagu baahiyay majalada caanka ah ee African Arguments, ayaa eeddo tiro badan loogu jeediyay Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Biixi.

Qoraalkan oo uu qoray Mr. Robert Kluijver oo ah nin falanqeeya arrimaha caalamiga ah iyo kuwa Afrika, ayaa wuxuu kaga hadlay isfaham waaga soo kala dhex galay Somaliland iyo Qarmaada Midoobay. Warbixintaas oo uu ciwaan uga dhigay Maxay Somaliland u hakisay iskaashiga Qaramada Midoobay, ayaa wuxuu eeddo ugu jeediyay Maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay in mawqifka adag ee Somaliland uu keenay heshiis ay kala saxeexdeen Qaramada Midoobaty iyo dawladda Soomaaliya, isagoo sheegay in go’aanka Somaliland u muuqdo inuu yahay mid si ula kac ah loo qorsheeyay oo loo sameeyay, wuxuuna sheegay Mr. Robert, in maamulka Somaliland ay sannadkii 2018 Deegaankeeda ka saartay mid ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in hay’adahaas laga masaafuriyay ka dib markii ay diiday inay xubno wasiiro ah guryo u dhisto, “Maamulka Biixi wuxuu u muuqdaa inuu ku kalsoonyahay in Qaramada Midoobay sii wadi doonto barnaamijyadeeda. Waxa laga yaabaa inay tani salka ku hayso dhacdadii sannadkii 2018 ay Somaliland ku masaafurisay hay’ad Qaramada Midoobay ah, sababtoo ah waxay diiday inay laba guri u dhisto wasiiro. Halkii ay xidhiidhka ka jari lahayd hay’adu waxay u wareegtay Puntland oo ay ka soo waday hawlaheedii Somaliland, iyadoo dhex maraysa ururo maxali ah ilaa sanad ka dib la ogolaaday.” Ayay tidhi warbixintu, iyadoo aan cadayn hay’adda ay tahay hay’adda diiday inay guryo u dhisto xubno wasiiro ah iyo weliba magacyada wasiiradaba.

Mr. Robert, wuxuu warbixintan uu ku qoray majalada African Arguments ku sheegay in madaxda Somaliland aaminsanyihiin inay fiican tahay in dhaqaalaha Qaramada Midoobay lagu kharash gareeyo maamulkiisa oo si toos ah loogu shubo taas oo wax ka weyn ka tari lahayd baahiyaha nolosha ee shacabka, waxaanu sheegay in fikirkan ay dad badani aaminsanyihiin.

Inkastoo uu sheegay in arrintan ay qabaan madaxda Somaliland ay badhkeed xaqiiq tahay, wuxuu haddana ka digay musuq badan oo uu sheegay inuu maamulkaas ka jiro, “Inkastoo heerka musuqmaasuqu had iyo jeer jiray wuxuu hadda noqday mid muuqda.” Ayayay tidhi warbixinta oo intaas ku dartay in xubno ka tirsan maamulka Muuse Biixi ay hanti ma guurto ah ka samaysteen dalalka Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, mana uu soo bandhigin magacyada masuuliyiinta Somaliland ee uu eedaynayo.

Hayaddan uu qoraagu sheegay ee ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa inkastoo aanu magaceedi sheegin, haddana inta la ogyahay hay’adda ILO ayay isku dhaceen Somaliland, laakiin sida ay Khaatumo News u sheegeen dad xogogaal u ah arrintan, sababta isku dhaca ayaan ahayn guryo ay xubno wasiiro ahi ka dalbadeen sida uu qoraagu sheegay, waxase la isku seegay shir ay hay’adu ku qabanaysay Nayrobi oo lagu martiqaaday Somaliland kaas oo ay Somaliland diiday ka dib markii ay shirka gadhwadeen ka noqotay dawladda Soomaaliya. Waxa kale oo aan jirin hay’adaas in Deegaanka Somaliland laga saaray, waxase jiray waraaqo digniin ah oo loo qoray

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

script>
Muuse Biixi Oo Aad ugu Faraxsan Talaabo uu Qaaday Farmaajo
- Nov 30, 2020
Siyaasiyiinta Isaaq marka ay timaado inay Soomaali inteeda kale ay siyaasadda wax kula qaybsadaan ...
DAAWO:;Sacuudiga oo Codsi weyn u diray Dawlada Turkiga
- Nov 30, 2020
https://www.youtube.com/watch?v=smUEHrWTbIY
War Deg Deg Ah:Alshabaab Oo Dagaal kula Wareegtay Deegaan Ay Gacan ku hayen Galmudug iyo Hubka ay qabsaden.
- Nov 30, 2020
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii ...
Deg Deg Daawo; Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay danjiraha dalka Kenya Mudane Maxamuud Nuur Tarsan
- Nov 30, 2020
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Maxamuud ...
Deg Deg Daawo; Soo madaxwaynaha DDS Mustaf muxumed omar Senterka Heegaale.
- Nov 29, 2020
Madaxwayne Dawlada Deegaanka Soomaalida Oo Lagu So Dhaweyey Santarka Domco Degmada Bookh Waxaa Halkaas ...