600 Laba Nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta | khaatumo news online
dahabshiil

Laba Nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta

Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta, kuwaasi oo si sharci darro ah u dhoofinayey qaad.

warameysa in labadaasi nin ay u qabteen saraakiisha garoonkaasi, kadib markii ay shandadahooda ka dhex heleen 25-Kg oo iskugu jira qaad cusub iyo midka nooca loo yaqaano Miirooga.

Labadan nin oo magacdooda lagu kala sheegay Barre Aadam iyo Cismaan Maxamed ayaa waxay saraakiisha amnigu ku xireen xili ay ka dhoofi rabeen garoonka Jomo Kenyatta.

Barre Aadam ayaa waxa lagu qabtay 20-kg oo ah qaadka nooca loo yaqaano miiroga, kaasi oo uu ku dhex qariyay labo shandadood oo uu watay, sida ay baahisay laanta dambi baarista Kenya.

Sidoo kale Cismaan Maxamed ayaa isagana waxay laamaha amnigu ku qabteen 5-kg oo ah qaad markaas un lasoo gooyay, kaasi oo uu si sharci darro ah u qarinayey.

“Labo ajnabi ah oo isu diyaarinayay inay dalka ka dhoofaan; Barre Adam & Osman Mohamed waxaa ku xiray JKIA saraakiisha sharci fulinta” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay agaasinka laanta dambi baarista.

Waxa sidoo kale qoraalkaasi lagu yiri “Barre ayaa loo qabtay inuu ku dhex qariyey labadiisa shandadood 20 Kgs oo ah Qaad khafiif ah (Miraa) halka Cismaan uu qariyey 5 Kg oo Qaad cuseyb ah”.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
WAR CULUS:-Shirkii Muqdisho iyo sadex Qodob Oo Maamuladu ku Dhagan yihiin.
- Sep 17, 2020
Waxaa mar kale dib u bilowday shirka looga hadlayo hannaanka doorashada oo u dhaxeeya ...
Deg Deg:-Wasiiro katirsan Puntland oo Maxkamada looga yeedhay
- Sep 17, 2020
Xog hoose oo uu helay xafiiska shabakadda Khaatumonews ayaa sheegaysa in xubno katirsan golaha ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ciidamo Itoobiyan ah oo Duleedka Hargaysa ka Qabtay xubno Alshabab ah.
- Sep 16, 2020
Ciidamo xoogan oo ka socda dalka itoobiya ayaa gudaha u soo galay somaliland gaar ...
Deg-deg Daawo Video:- Beelaha Hagar iyo Hayaag (Mataano Hawd) Oo Geel Mag Kula Kala Wareegay Magaalada Ceegaag
- Sep 16, 2020
Labada beelood ee Hagar iyo Hayaag oo la magac baxey Mataano Hawd oo dhawaan ...
Laba Nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta
- Sep 16, 2020
Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ...