600 War Deg Deg Ah:-Ciidamada Dowladda oo la wareegay degaano Cusub | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Ah:-Ciidamada Dowladda oo la wareegay degaano Cusub

Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ee ka howlgalla gobolka Gedo ayaa waxaa ay howlgal ka sameeyeen dhul Miyiga ah oo ku yaalla degaano ka tirsan Gobolkaasi Gedo oo ay ku sugnaayen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa la sheegay inay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka, Luuq, Beled-Xaawo iyo Garbahaarey ,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegen inay Al-Shabaab kala wareegeen degaannada, salbaay, Ceelmacow, meekareebay, ilaa boglamarka Golweyn.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo oo howlgalka horkacaya ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay weli howlgalka wadaan,isla markaana ay ku gaari doonaan degaano kale oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa degmooyin ka tirsan gobolka Gedo waxaa ay geysay Ciidamo farabadan, kuwaas oo gacanta inta badan degmooyinka Gobolka Gedo, iyaga oo mararka qaar weeraro kala kulma Al-Shabaab.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. ABC says:

    Khiyaali news.
    Gelinba qaar ayaa la wareega soomaaliya.
    Ma wax cusub baa?




script>
WAR CULUS:-Shirkii Muqdisho iyo sadex Qodob Oo Maamuladu ku Dhagan yihiin.
- Sep 17, 2020
Waxaa mar kale dib u bilowday shirka looga hadlayo hannaanka doorashada oo u dhaxeeya ...
Deg Deg:-Wasiiro katirsan Puntland oo Maxkamada looga yeedhay
- Sep 17, 2020
Xog hoose oo uu helay xafiiska shabakadda Khaatumonews ayaa sheegaysa in xubno katirsan golaha ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ciidamo Itoobiyan ah oo Duleedka Hargaysa ka Qabtay xubno Alshabab ah.
- Sep 16, 2020
Ciidamo xoogan oo ka socda dalka itoobiya ayaa gudaha u soo galay somaliland gaar ...
Deg-deg Daawo Video:- Beelaha Hagar iyo Hayaag (Mataano Hawd) Oo Geel Mag Kula Kala Wareegay Magaalada Ceegaag
- Sep 16, 2020
Labada beelood ee Hagar iyo Hayaag oo la magac baxey Mataano Hawd oo dhawaan ...
Laba Nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta
- Sep 16, 2020
Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ...