600 War Deg Deg Ah Daawo:- Shirkii Muqdisho Oo Hada Furmay, | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo:- Shirkii Muqdisho Oo Hada Furmay,

Waxaa Maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho uga furmay Shirkii u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka waxaa uu daba socdaa Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana looga hadlayaa dhameystirka Hanaanka Doorashooyinka Qaranka

Shirka Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer oo hore baaqday sababo la xiriira khilaaf u dhaxeeyay Madaxtooyada iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Inta uu shirka socdo ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa Arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, si go’aan rasmi ah looga gaaro lana qabto doorasho la isku raacsan yahay maadaama muddo xileedka Hay’adaha dowladda uu dhamaad yahay.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa kulanka kor kala socda, waxaana jirtay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay cadaadis ku saareen inay Muqdisho u yimaadaan shirkaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Daacad says:

    Xagarciideed, mabaad dhalane dhawraysan ogidee, mariyoonaysaa, mise anaa mooday?
    Qaran dumis yaad u taqaanaa?
    Farmaajo sankiisaa ayaa caano laga lisag, mise anaa mooday?
    Ma u barooranaysaa Farmaajo? Qaran soo maali oo aan ountland,khaatumo iyo jubbaland ahayn bal samee waa kaase.

    • Xagarciideed says:

      “Ma baad dhurane dhawrtaysan ogidaa” maahmaahdu waa taa. Daacad, anigu Somali baan ahay, haday wax u hagaagaan dalkeena, dhamaan Somali oo dhan bay wax u hagaageen.
      Farmaajo, dadka taageersan, waxay ka arkeen inuu dalka si hufan ugu shaqaynayo, oo aanu u soo shaqo tegin inuu boobo waxa ummaddu leedahay ama magaceeda lagu soo qaado. Ogow dalku wuxuu u baahan yahay hogaamiye hufan oo aan dal kale u ahayn basaas iyo tuug dhacaya ummadda. WBT

  2. Xagarciideed says:

    Inshaa Allaah Baarlamaanka ayaa tirtiri doona heshiiskii doorashada dadbanayd ee Samareeb3. Doorashada dalka oo xalaala waxay ka dhici doontaa Caasimada dalka, qofkii wax isku hayaa ha yimaado. Run ahaantii, dal dumisyadu waxay ku farxayaan yacnii doorashada daban, waana burburinta ummadda iyo mustaqbalkeeda. USA waxay ku fiican yihiin in la yidhaahdo ciyaarta debeda ka joogga, ixtiraamna iyo 2 way road ha inaga dhaxeeyo. Safaarada USA la shirshiridoodu laga wanaagsan, hoog baa daba yaal. Somalidu ha is weydiiso meel ay lug kula jiraan maraykan oo deggan ma la hayaa, aan ka ahayn dhalan rogid/Abaarso iyo meelaha qaar qaraxyo, gubasho iyo isku dir iyo lug gooyo. Sidaa darteed Somali danteeda ha garato, dabadhilifyada iyo tuugada ha iska qabtaan. Next M/weyne Farmaajo ama mid ka sii fiican oo dalka samata bixin kara oo aan tuug ahayn. WBT




script>
WAR CULUS:-Shirkii Muqdisho iyo sadex Qodob Oo Maamuladu ku Dhagan yihiin.
- Sep 17, 2020
Waxaa mar kale dib u bilowday shirka looga hadlayo hannaanka doorashada oo u dhaxeeya ...
Deg Deg:-Wasiiro katirsan Puntland oo Maxkamada looga yeedhay
- Sep 17, 2020
Xog hoose oo uu helay xafiiska shabakadda Khaatumonews ayaa sheegaysa in xubno katirsan golaha ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ciidamo Itoobiyan ah oo Duleedka Hargaysa ka Qabtay xubno Alshabab ah.
- Sep 16, 2020
Ciidamo xoogan oo ka socda dalka itoobiya ayaa gudaha u soo galay somaliland gaar ...
Deg-deg Daawo Video:- Beelaha Hagar iyo Hayaag (Mataano Hawd) Oo Geel Mag Kula Kala Wareegay Magaalada Ceegaag
- Sep 16, 2020
Labada beelood ee Hagar iyo Hayaag oo la magac baxey Mataano Hawd oo dhawaan ...
Laba Nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta
- Sep 16, 2020
Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ...