600 War Deg Deg Ah:Haweenay Alshabab Afduubten Oo Xil sare Loo Magacaabay | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Haweenay Alshabab Afduubten Oo Xil sare Loo Magacaabay

Silvia Romano oo dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Talyaaniga ayaa loo magacaabay danjiraha qaaradda Yurub ee la dagaalanka Islaam naceybka, sida ay maanta shaacisay Jariirada afka dheer ee La Repubblica.

Haweeneydan oo ay horey Al-Shabaab uga soo afduubteen gudaha dalka Kenya, islamarkaana muddo ku heystay Soomaaliya ayaa qaadatay Diinta Islaamka waxaana ay la baxday magaca Caa’asho, iyadoo marka la sii daayey dib ugu noqotay dalkeeda.

Silvia Romano ayaa haatan wixii ka dambeeya ka qeyb-qaadan doonto mashruuc uu ururka Midowga Yurub kula dagaalamayo Islaam-naceybka.

Sidoo kale waxa ay la shaqeyn doontaa ururada Fondazione L’Albero della Vita, Le réseau iyo Progetto oo iyana u xil-saaran arrimahaasi.

Mashruucaan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa lagu magacaabaa YES, iyadoo lagu taageerayo dadka la kulma dhibaatooyinka faquuqa ku saleysan ee caalamka.

Silvia Romano ayaa ololaheeda ka bilaabi doonto gudaha magaalada ay ku nooshahay ee Milan ee dalka Talyaaniga, waxayna gaarsiin doontaa dhammaan wadamada kale ee Qaarada Yurub.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Saeed says:

    Maasha Allah Caasho ilaahay ha kugu guuleeyo hawsha cusub ee laguu magacaabay

  2. Somali galbeed says:

    MARYOOLEY ISLAAMKA WAA KASII BAXAYSAA REER YURUB-NA WAA SOO GALAYAAN,QAAR BADAN OO SOOMAALIDA KU NOOL EUROPE IYO AMERICA WAXAY QAATEEN CHRISTIANITY-GA AMABA ATHEISM-KA SIIBA KUWA DHALIN-YARADA AHI , 4.5 DHAXALKEEDA WAA LA GURANAYAA, SI WANAAGSAN ..




script>
WAR CULUS:-Shirkii Muqdisho iyo sadex Qodob Oo Maamuladu ku Dhagan yihiin.
- Sep 17, 2020
Waxaa mar kale dib u bilowday shirka looga hadlayo hannaanka doorashada oo u dhaxeeya ...
Deg Deg:-Wasiiro katirsan Puntland oo Maxkamada looga yeedhay
- Sep 17, 2020
Xog hoose oo uu helay xafiiska shabakadda Khaatumonews ayaa sheegaysa in xubno katirsan golaha ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ciidamo Itoobiyan ah oo Duleedka Hargaysa ka Qabtay xubno Alshabab ah.
- Sep 16, 2020
Ciidamo xoogan oo ka socda dalka itoobiya ayaa gudaha u soo galay somaliland gaar ...
Deg-deg Daawo Video:- Beelaha Hagar iyo Hayaag (Mataano Hawd) Oo Geel Mag Kula Kala Wareegay Magaalada Ceegaag
- Sep 16, 2020
Labada beelood ee Hagar iyo Hayaag oo la magac baxey Mataano Hawd oo dhawaan ...
Laba Nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta
- Sep 16, 2020
Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ...