600 Deg Deg Daawo:Somaliland Oo Xafiis Ka Furatay Taywan. | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Somaliland Oo Xafiis Ka Furatay Taywan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan iyo Wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Xaaji Cumar, ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Soomaaliland ay Xafiis uga furaneysay Ismaamulka Taiwan oo aaminsan in ay ka go’een dalweynaha Shiinaha.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale munaasabadda khadka Internetka kaga qayb-galay , isaga oo Taiwan uga mahad celiyay xiriirka Cusub oo ay wada yeesheen.

Taiwan ayaa horey xafiis diplumaasiyadeed uga furatay Somaliland,waxaana xiriirka labada maamul kasoo horjestay Waddamada Shiinaha iyo Soomaaliya, iyada oo labada maamul dheg jalaq u siin hadallada kasoo baxay Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 16)

  1. Binary Operation says:

    Ali

    Somaliland wax ku kordha mooye wax ka dhacaya ma jirto, Kuwan xamar inaga tagaya waxay idinka dhacaan mooye waxba xamar ku kordhin maayaan.

    Anyway beriga ay hortaada timaado kolkaas baan wax ka waydiin waxaad ku hadlayso maanta! 😂😂😂😂

    Bus kaasi wax fuulaya mooye wax ka degaya ma arag. Laakiin xaqiiqo hortaada kolkay timaado ood wax xaqiiqsato ayaan dib kaaga watay san waxaad ku hadashay maanta Iyo xaalada joogta.

  2. Ali says:

    Binary
    Horta Adigu hadey Talo waxtari Horaan kuulataliyay oo Waanigii ku Iri Somali land waa sidii Bas socda oo marba Boostaajo istaagi,Hasa ahaatee,wax kadagi mooyeen aanu jirin wax soofuule Ee adigu markaad kadagto qunyar soco oo hakabilaabin Madaxwaynaha 5 ta soomaaliyeed ayaan Noqon
    Ogoow wax lala taliyo Kirisgboy baa umadax adag Adiguna Kirishbooy ayaad tahay. Inta kuu hadhey Baarigii General Lafaruugaawi ayaan udaayay haku dhaawactiree

  3. Binary Operation says:

    Ali

    af laga hadluun baad u nooshihiine ma itaal kale baad haysaan? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    aduunkana calaacal iyo gaajo mooye ma wax kalaad la hortagtaan! kkkkkkkkkkkkkkk

    xasuuso maah maah dii ahayd baahi badan in aadamuhu kugu naco mooye wax kagama heshid.

    ninka african ka ah ee u baahan technology yada lagu soo saaro dalkayga, ama iga helaya shiidaal jaban, oo taabanaysa baahidiisa bal ii sheeg sababtu nin baahi hayso oo gaajoonayo wax ugu joojinayo? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    taiwan run ahaantii inay china ka go’do waa impossible waayo china waa dal veto power ah, laakiin somalia bal adigu ii sheeg af mooye ma cudud ay igu hor istaagtay haysa? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    afka nool waxba u joojin maayo waxba iga qaadi maayo, caalamkuna danihiisa dhaqaale ka doorsan maayo baahida afka ka nool ee cabaadaysa! kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. Binary Operation says:

    Ali

    Somalia horta itaal ay leedahay iyo wax ay hor istaagi karto bal ii sheeg? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    aduunyada danaysi ba lagu wada nool yahay, nina nin kale dantiisa ugama amar qaato.

    adiguba caqligaaga waad ku garanaysa taiwan waxba uma joojinayso maamulka xamar oo waa dad aynu isku dareen nahay! kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    teeda kale awood dhaqaale oo aynu africa ku hanan karno baanu taiwan ka helayna tusaale xaga warshadaha iyo technology yada.

    hadaba adiga iyo waxaad u doodayso africa kolkay hortagaan maxay ka hadlaan? kkkkkkk waa gaajada haysa,

    aniguna waxaan ka hadli doona dan dhaqaale oo africa baahi u qabto.

    haday wax hor joogsan karto DP World cashar maka qaadatay? ma xasuusata hadalkii suldaan mulkiilaha DP World? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    xamar waxeedu hadal ma dhaafsiisna! kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    dowlada imaaraadku saldhigeedii military way isku dayday inay horjoogsato misana waxba way qaaadi kari wayday! kkkkk

    xabashi baa la isku xoq xoqay, xabashigiina natiijadu naga helay waa kala dooro dantaada iyo nin ka gaajoonaya dantiisa! kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    dee xabashigu obviously dantiisu doortay! kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. Ali says:

    Kader iyo yusuf

    Ujeedka Dowladeena Taagta daran Ee aan wadaleenahay Ee Hadii Runta lasheegana Aad iiga dheefbadantahey Adigu, maha iney waxyeeleyso umada. Marka meeshaba kuma jirto maxey qaadi kartaa Waxaynu udhisaney Aan idin xusuusyee waa maxey Sookodhisey Ee dhankiina ka istaaga WBT

  6. Kader says:

    Ali, aday dawlad kuu tahaye anaga somaliland ayaa nala yidhaahdaa. 1991 ayaa isugu keen danbeysey inay wax inaga dhexeeyaan. 10 sanoadoodna dagaal dhiig badani ku daatay ayaa inaga dhexeeyey. Markaa maxaad Isla yeelyeelaysaa?

  7. Xagarciideed says:

    Jeegaaneey xishooda oo Alle iyo ummaddiisa Somaliyeed ee aad ka midka tihiin ka daaya qaadacul dariiqnimada iyo rufyaanimada aad gaalo iyo cawaankeeda ugu adeegaysaan/u hoos yaacaysaan. Waxaad wax ku tihiin Somali, waa inaad dhinaciina ka adkaysaan wadajirka iyo Somalinimada. Haddii kale waa la idin ka tashan sidii Ajuuraanka, oo fatwo qaadacul dariiqnimo baa idin qabsan doonta.

    Taariikhda dib u baadha. Maxaa Axmed Sheekh Isaxaaq (Arab) looga wareejiyey saldanadii Isaxaaq ee ay hayeen oo loogu dhiibay Garxejis, soo taageeridii Ajuuraanka uu la safaty may ahayn. Waayo waxa ka dhaxaysey is xulafaysi iyaga iyo Ajuuraanka, fatwadii Shiyuukhdu ka saareen in Ajuuraanku qaldamay oo la heshiiyeen boortaqiiskii yimi xeebaha koofureed ee Somaliya.

    Boortaqiiskana waxa loo haystay dembiyo badan oo uu ka galay Somali iyo muslimkii kaleba. wuxuu hore u soo weeraray Xaramkii iyo xaruntii Somalida ee Saylac iyo magaalooyinkii xeebaha dhamaantood iyo waliba burburintii saldanadii Axmed Gurey qarni ka hor. Ajuuraankii baa la amray fatwo ah in laga raro degaanka ay ku joor faleen, maadama ay gaaladii cadawga ahayd la dhigteen heshiis aanay kala tashan dhamaan Somalidii. Gacan Somaliyeedna in la wada saaro haddii ay diidaan amarka shuurada.

    Maantana tii baa taagan, dhamaan inta dalka beecinaysa waa in gacan la wada saaro, haddii ay is qaban waayaan. Allaah kariim WBT

  8. Ali says:

    Kader
    Dowladeena Somaliyeed haba iska tabaryaraatee maamulada wayka Awoodroontahey waana sabataan uga codsanayo ineysan wixii horomara ishortaagin

  9. Hilow says:

    SOMALILAND iyo TAIWAN waa laba qaran oo leh Dhul bad iyo dadba lays mana hortaqgi karo taasi waxay ku tusaysaa aqoonta rabaaniga ah ee ay leeyihiin SOMALILAND waa dad illaahay siiyay aqoon ay dheer yihiin dadka somali sheegta oo dhan waana taa keentay in dalkoodu nabdoon yahay dadkooduna iyo dalkooduba horumarka gaadhay TAIWAN waa dadka ugu aqoonta badnaa wixii laysku odhan jiray china

  10. Kader says:

    Ali, maxay is hortaagtaa waaba lafuraye. Ma dawladbaad isu haysataan?

  11. Ali says:

    Taiwan shaqo abuur ayay maalgashiba way keeni sidaas Awgeed Dowlada Somalidu waa ineyn Hor istaag kusamaynin oo maamulada iyo shaqsiyaadkaba loo madaxbaneeyaa wixii Horumar kusaabsan Hasa ahaatee aan Waxba udhimaynin Qaranimada iyo Wada jirka Jamhuuriyada Somalida

    • yusuf says:

      Ali
      Illaahay wuu ku arkayaa ee afkaaga iyo qalbigaaga is waafaji waayo, waad ogtahay in aanay Soomaaliya lahay tol iyo taag ay maanta wax ku yeeli karto jamhuuriyadda Somaliland. Markii ay dawladaha caalamka ee sida tooska ah uula macaamila ay Soomaaliya isku dayday in ay joojisana waa ti ceeb iyo caydh ka qaaday ee laga diiday waayo, Soomaaliya waa dal saaqiday oo ay Soomaaliland aad iyo aad uuga sumcad iyo horumarba badantahay, madaxwayne Muuse-baylood iyo dawladda Imaaraadka carabta ayaa kugu qoslay,kkkk

    • yusuf says:

      Shiinaha oo adeegsanay Soomaaliya ayaa aad uuga cadhooday is aqoonsiga dhex maray jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan laakiin Ingiriiska iyo Marykanka ay waabiyay. Geesta kale waxa DP ku daytay oo soo degtay Berbera, Somaliland shrikadda caalamiga ee Trafigura oo markabkii uugu waynaa ee soo gala bariga Africa keentay Somaliland kuna ballan qaaday in ay Berbera ka dhigayso xarunta shidaalka ee bariga Afica iyo guud ahaan Africa oo dhan. Madaxwayne Muuse-baylood iyo madaxwaynaha Tawian baa faraxsan.

  12. Axmed warya says:

    china and somaliya👎

  13. Axmed warya says:

    GUUUUUUUUL,GUUUUUUUUL WAAA GUUUUUUUL
    SOMALILAND GÙUÙUUUUL
    VIVA SOMALILAND
    VIVA TIYWAAAAAAN
    s

  14. Ali Muse Mire says:

    Somaliland Guul horaa loo soconayaa




script>
WAR CULUS:-Shirkii Muqdisho iyo sadex Qodob Oo Maamuladu ku Dhagan yihiin.
- Sep 17, 2020
Waxaa mar kale dib u bilowday shirka looga hadlayo hannaanka doorashada oo u dhaxeeya ...
Deg Deg:-Wasiiro katirsan Puntland oo Maxkamada looga yeedhay
- Sep 17, 2020
Xog hoose oo uu helay xafiiska shabakadda Khaatumonews ayaa sheegaysa in xubno katirsan golaha ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ciidamo Itoobiyan ah oo Duleedka Hargaysa ka Qabtay xubno Alshabab ah.
- Sep 16, 2020
Ciidamo xoogan oo ka socda dalka itoobiya ayaa gudaha u soo galay somaliland gaar ...
Deg-deg Daawo Video:- Beelaha Hagar iyo Hayaag (Mataano Hawd) Oo Geel Mag Kula Kala Wareegay Magaalada Ceegaag
- Sep 16, 2020
Labada beelood ee Hagar iyo Hayaag oo la magac baxey Mataano Hawd oo dhawaan ...
Laba Nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta
- Sep 16, 2020
Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ...