600 Deg Deg::Shir Saraakiil Maraykan ah iyoMadaxweyne Farmaajo uga Socda Garoonka Aadan Cadde, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg::Shir Saraakiil Maraykan ah iyoMadaxweyne Farmaajo uga Socda Garoonka Aadan Cadde,

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo haatan ka socda gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinayo, la-taliyihiisa arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Sidoo kale wafdiga culus ee ka socda Mareykanka ayaa isugu jiro xubno kala tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka iyo taliska ciidamada AFRICOM ee Qaaradda Afrika

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu daba socda walaaca safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ka muujisay musu- maasuq la sheegay in lagu sameeyo howlaha la xiriira dib u habeynta amniga, iyadoona arrimahaasi ay si weyn uga digay safaaraddu

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo sidii dib u habeyn lagu sameyn lahaa taageerada Soomaaliya ee Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha caawiyo dowlad federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay fulisaa howl-gallo ka dhan ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
WAR CULUS:-Shirkii Muqdisho iyo sadex Qodob Oo Maamuladu ku Dhagan yihiin.
- Sep 17, 2020
Waxaa mar kale dib u bilowday shirka looga hadlayo hannaanka doorashada oo u dhaxeeya ...
Deg Deg:-Wasiiro katirsan Puntland oo Maxkamada looga yeedhay
- Sep 17, 2020
Xog hoose oo uu helay xafiiska shabakadda Khaatumonews ayaa sheegaysa in xubno katirsan golaha ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ciidamo Itoobiyan ah oo Duleedka Hargaysa ka Qabtay xubno Alshabab ah.
- Sep 16, 2020
Ciidamo xoogan oo ka socda dalka itoobiya ayaa gudaha u soo galay somaliland gaar ...
Deg-deg Daawo Video:- Beelaha Hagar iyo Hayaag (Mataano Hawd) Oo Geel Mag Kula Kala Wareegay Magaalada Ceegaag
- Sep 16, 2020
Labada beelood ee Hagar iyo Hayaag oo la magac baxey Mataano Hawd oo dhawaan ...
Laba Nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta
- Sep 16, 2020
Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ...