600 Daawo Sawiro:Deni Oo Si Yaab leh Loogu Soodhaweeyey Dalka Jabuuti, | khaatumo news online
dahabshiil

Daawo Sawiro:Deni Oo Si Yaab leh Loogu Soodhaweeyey Dalka Jabuuti,

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabuuti kusoo dhoweeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Mudane Abuubakar Cumar Xadi iyo masuuliyiin kale.

Safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo qaadan doona maalmo kooban, wuxuu ku saabsanyahay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka .

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. Jaamac says:

    Jabuuti waa guri barwaaqo, Jabuuti waa guri barwaaqo.
    Waxey tuseysaa Somaliweyn balan iyo cahdi balaadhan.
    Ku soo dhawaada Somaliyeey dalka barakeysan ee jabuuti.

  2. Oday says:

    Halkaa ka sii wad mudane madaxweyne

  3. Aarka hargaysa says:

    Xabad taaga marakiibta jiidana ayuu ubaryo tagay 20 dowlad baanu nahay taag 5 milyan joogana ma ii san karaan

  4. Wiil waamo says:

    Walee waali haddii ay jirto waxaa waashay reerkan iidoor ama reer QALFOOF SITE( reer aakhiraad kii idinka nasan la.a).
    Muuse biixi jinoole waxaa ka DHUL weyn puntland iyo deni.
    Viva puntland Viva somaliweyn

  5. Somali galbeed says:

    GIDOOMIYAHA GOBOLKA BARI DAL KA BALAADHAN SOMALILAYN AYUU XUKUMAA…SI KALE ISAGAA KA DAL WAYN MUUSE BIIXI..

  6. Axmed warya says:

    kani socod badanaa, umadda meel ka fadhiiso.

  7. Axmed warya says:

    kani socod bafnaabadanaa, umadda meel ka fadhiiso.

  8. Yusuf says:

    Dani kama sareeyo gudoomiyaha gobalka LAASCAANOD ama gobalka MAROODJEEX.

    • Haawd says:

      TV ga Jabuuti ayaan daawaday waanba yaabay sida Jabuuti usoo dhowaysey madaxwaynaha Puntland, waxaan is iri Jabuuti waxaay ku xumaynaysaa Somaliland iyo Farmaajo oo xurguf hoose ka dhexayso. Xaqiiqdii Deni siyaasad balaaran iyo xaawli ayuu ku socdaa Laascaanona waanu ku soo dhowaynayaa.




script>
WAR CULUS:-Shirkii Muqdisho iyo sadex Qodob Oo Maamuladu ku Dhagan yihiin.
- Sep 17, 2020
Waxaa mar kale dib u bilowday shirka looga hadlayo hannaanka doorashada oo u dhaxeeya ...
Deg Deg:-Wasiiro katirsan Puntland oo Maxkamada looga yeedhay
- Sep 17, 2020
Xog hoose oo uu helay xafiiska shabakadda Khaatumonews ayaa sheegaysa in xubno katirsan golaha ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ciidamo Itoobiyan ah oo Duleedka Hargaysa ka Qabtay xubno Alshabab ah.
- Sep 16, 2020
Ciidamo xoogan oo ka socda dalka itoobiya ayaa gudaha u soo galay somaliland gaar ...
Deg-deg Daawo Video:- Beelaha Hagar iyo Hayaag (Mataano Hawd) Oo Geel Mag Kula Kala Wareegay Magaalada Ceegaag
- Sep 16, 2020
Labada beelood ee Hagar iyo Hayaag oo la magac baxey Mataano Hawd oo dhawaan ...
Laba Nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta
- Sep 16, 2020
Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ...