600 Wasiir Aflagadeeyay Dalka Soomaaliya. | khaatumo news online
dahabshiil

Wasiir Aflagadeeyay Dalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda dalka Nigeria ayaa tusaale la yaab-leh u soo qaatay dalkeena Soomaaliya, isagoo ka hadlayey xaaladda amni ee dalkaasi oo weeraro iyo qaraxyo ay ka geysato kooxda Boko Haram.

Wasiirka oo lagu George Akume, islamarkaana ah wasiirka howlaha gaarka ah ee dalka Nigeria ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka digeyso in Nigeria ay noqoto sida Soomaaliya oo kale meel ay ku ciyaarto carruurta, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii aan waxba laga qaban amni darrada dalka Nageria uu la mid noqon doono Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan.

Waxa aan ka digayaa in sida Soomaaliya oo kale Meel carruurta ku ciyaarto noqoto Nigeria, haddii aan la sameyn qorshe mideysan oo wax looga qabanayo ammaan darrada, wadankaan dhaca bariga Afrika Soomaaliya waxa uu soo maray dhibaatooyin kala duwan, xaalad colaad iyo dagaal sokeeye.” ayuu yiri George Akume.

Nigeria ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ah Booliska AMISOM ee la shaqeeya Booliska Soomaaliya

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. ABC says:

    Khiyaali news.
    Lax waliba halkey is dhigtaa lagu gowracaa.

    Maanta adoontii caqli xumada ay soomaali ku caayi jirtey ayaa somaali yasaaaya.

    Ma talyaanigaasaa mahdi ah tanina waa yaabee.
    Taasaa la leeyahey ha is raacdo.

  2. Raamaleey says:

    Aar Qoyey Aqoon gaabka DAWAC ULA Ekaaye hadji AAD Ogsoontahayeey yeey Asal waxaan AHAAN jiray Eraygaad ileedahay Afka sooma mariseen IYO WAXAAN XASUUSTAA HEESIHII MARWO KHADRA DAAHIR CIGE WAA ISKA XAAL ADUUN ADUUN WAA ISKA XAAL ADUUN ADUUN
    SOMALIYA MIYAA SAAS UDAN BAYSEY FOCKING JABHADO BIDIXDA KAWADA LAAF YOODA IYO KUFAAR NA NECEB LAGU DARAY QABYAALAD QADH MUUN AH IYO DALKII BARAKAYSNAA WAAN KA BIXI NACAS NIMADA INSHALAAH

  3. Q says:

    Alaahu aakbar alxamdulilaah ilaahayga isaaq iga dhigay dhuloos reer qashin quba – hoos hoos baa shaqadiina loo qabanaya wixii hada ka danbeeye Somaliland waa Dhul Isaaq ama jeclow ama ka tag meesha kkk alaahu akbar

  4. Xagarciideed says:

    Yaa dhaamay/ceebeeyey dalka Somaliya? Suaashaa markay jawaabteeda Somalidu hesho, baa loo jawaabi karaa kuwa ku soo xadgudbaya sharafta iyo karaamada ummadda…

    Shandad yar baa islaan yar oo carbeed soo ag dhigaysaa siyaasi ku sheegyada ama dal gadyada weyba bururayaan, oo dalkooda laga dukaamaysanayaa. Iyagoo dalkooda sharcigiisii iyo dantii dalkaba u burburinaya sida haddaba ka taagan doorashada qof iyo cod, yacnii shandadii yarayd baa hor taagan.

    Bishan gudaheeda waxa dhacay xad gudubyo ka yimi dalal(oo carab iyo cajamba leh), oo dhulka la simay sharaftii Somalida, Jabuuti oo tusaale u siisay shacabkeedii kuna tidhi ma sidii Somalida rabtaan in loo burburo, M/W Uganda oo isagu aad u yaraysta oo halhays ka dhigta goob kasta iyo golekasta, M/W Algeria oo yidhi Libya lama rabno sidii Somaliya iyo wasiirkan Nageria ee hadda warkiisu taagan yahay.

    F.G Jeegaan, aaranjinni, mooryaanta badar iyo beeso, raaskambooni/alshabaab (alshabaab oo iyagu fidno kasta u ah magac u yaal, sheegata waxa ay sameeyaan iyo dadka ay laayaan aaran jinni iyo mooryaanta badar iyo beeso iyo jeegaan iyo beesha 6-qaad)

  5. Daauus says:

    Kaatumo khayaali ku nool ma runtaad diidaysaa was runtiis wadan failed ah waaye hurdada la kac

  6. DALMAR says:

    Ma RUNTAYNU DIIDAYNAA? soo Shayaadiinta Shabaab iyo NABAR&NAXDIN dalka qasi maayaan oo wadan FAWDO ah Soomaaliya maaha oo ARGAGAXISO & DABADHILIFYO cagta ku walaaqaan🤔🤔

  7. firdhiye says:

    nin run sheegay ceeb ma leh
    xaqiiqdu ka sheegay qaraxlay




script>
Deg Deg Daawo:Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Qudbad Adag Ka Jeediyay Buuhoodle
- Aug 12, 2020
Garaad jaamaca Garaad Cali Garaadka Guud ee SSC Ayaa Qudbad Kulul Ka jeediyay Magaalada ...
Daawo:-Qoor Qoor Oo La Shiray Gudiyadda Farsamada ee howlaha Doorashooyinka
- Aug 12, 2020
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo maalmahaan ku sugnaa ...
Deg Deg Daawo:- Isimada Reer Borama Oo Ku DHawaaqay in Doorashada Somaliland Aysan ka Dhcay Dhulkooda,
- Aug 12, 2020

Ciidanka Somaliland Oo Weerar Culus Kala kulmay Ganacsade Reer Laascaanood ah,
- Aug 11, 2020
Ciidanka Somaliland ayaa caawa Weerar Ku soo qaaday ganacasade ay hore uga guben qaad ...
DAAWO:Faysal Cali Waraabe ‘Hawiyow Iska Saara Daaroodka Idinku Xukumaya Muqdisho’
- Aug 11, 2020