600 Deg Deg Daawo:–Mareykanka oo 12 kun oo askari kala baxay Dal ku yaala Yurub | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo:–Mareykanka oo 12 kun oo askari kala baxay Dal ku yaala Yurub

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 12 kun oo askari ay kala baxeyso dalka Jarmalka, taas oo xukuumadda Washington ay ku sheegtay “istaraatijiyad dib loogu habeynayo ciidamadeeda ku sugan Yurub”.

Ciidamo gaaraya 6,400 askari ayaa dib loogu celin doonaa Mareykanka, halka kuwa kalena la geyn doona dallaka kamid ka ah gaashaanbuurta NATO sida Talyaaniga iyo Belgium-ka.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in sababtu ay tahay Jarmalka oo ku guuldarestay hadafkii NATO ee dhanka difaaca.

“Mardambe ma dooneyno in aan aragno kuwa jiqaya dhiiggeena,” ayuu Mr Trump waxyar kadib markii lagu dhawaaqay go’aanka.

“Waxaanu yareneynaa ciidamadeena jooga Jarmalka sababtoo ah ma bixiyaan kharashaadka ku baxa.”

Haseyeeshee arrintan ayaa cambaareyn xoogan kala kullantay mucaaradka Mareykanka ee aqalka Kongreska, kuwaas oo sheegay inay fursad u abuureyso Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa in muddo ka cabanayay xubnaha NATO ee Yurub oo uu sheegay in looga baahan yahay inay bixiyaan kharashka iyaga lagu difaaco.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo:- Isimada Reer Borama Oo Ku DHawaaqay in Doorashada Somaliland Aysan ka Dhcay Dhulkooda,
- Aug 12, 2020

Ciidanka Somaliland Oo Weerar Culus Kala kulmay Ganacsade Reer Laascaanood ah,
- Aug 11, 2020
Ciidanka Somaliland ayaa caawa Weerar Ku soo qaaday ganacasade ay hore uga guben qaad ...
DAAWO:Faysal Cali Waraabe ‘Hawiyow Iska Saara Daaroodka Idinku Xukumaya Muqdisho’
- Aug 11, 2020

Daawo Sawiro:Deni Oo Si Yaab leh Loogu Soodhaweeyey Dalka Jabuuti,
- Aug 11, 2020
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu ...
XOG HOOSE:-Somaliland oo Doonaysa Inay Nabada Garaad Jaamac Garaad Cali Fashiliyaan,
- Aug 11, 2020
Xaalada guud ee deegaanka Buuhoodle ayaa ahaa mid dagan kadib markii dhexda u xidhay ...