600 Deg Deg Daawo::-Nin Sheegtay Nebi Oo lagu Dhextoogtay Gudaha Maxkamada, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo::-Nin Sheegtay Nebi Oo lagu Dhextoogtay Gudaha Maxkamada,

Nin lagu eedeeyay inuu sheegtay nabinnimo ayaa toogasho lagu dilay isagoo ku jira gudaha maxkamad ku taalla dalka Pakistan, xilli uu dhageysiga dacwaddiisa ka socday magaalada waqooyi ee Peshawar.

Waxaa kiis maxkamadeed lagu soo oogay markii sida la sheegay uu isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay nabi.

Sheegashada nabinimada iyo aflagaaddada loo geysto diinta Islaamka ayaa dalka Pakistan waxaa ciqaabteeda ay ka noqon kartaa dil.

Inkastoo wali aysan jirin cid ay dowladda u toogatay arrimahaas, haddana waxaa marar badan ay horseedaan inuu dhaco qalalaase iyo weerar.

Ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Tahir Ahmad Naseem, ayaa sanadkii 2018-kii lagu soo eedeeyay inuu nabinimada sheegtay, waxaana eedeyntaas soo gudbiyay qof dhowr iyo toban jir ah.

Subaxnimadii saaka, oo Arbaco ah ayaa la dilay isagoo garsooraha hor taagan.

Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa meydkiisa oo saaran mid ka mid ah kuraasta maxkamadda.

Ninka weerarka dilka ah fuliyay ayaa durbadiiba lagu xiray goobta. Muuqaal kale ayaa laga soo duubay isagoo gacmaha ka xiran, oo ku qeylinaya ninka uu dilay, isagoo ku tilmaamaya “cadowga Islaamka”.

Mr Naseem waxaa markii ugu horreysay eedeeyay wiil lagu magacaabo Awais Malik, oo arday ka ah madaraso ku taalla magaalada Peshawar.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Hobyo man says:

    Mansha,alah gaalka nebinimada sheegtay ha la dilo naarta ale kugu fogee




script>
Deg Deg Daawo:- Isimada Reer Borama Oo Ku DHawaaqay in Doorashada Somaliland Aysan ka Dhcay Dhulkooda,
- Aug 12, 2020

Ciidanka Somaliland Oo Weerar Culus Kala kulmay Ganacsade Reer Laascaanood ah,
- Aug 11, 2020
Ciidanka Somaliland ayaa caawa Weerar Ku soo qaaday ganacasade ay hore uga guben qaad ...
DAAWO:Faysal Cali Waraabe ‘Hawiyow Iska Saara Daaroodka Idinku Xukumaya Muqdisho’
- Aug 11, 2020

Daawo Sawiro:Deni Oo Si Yaab leh Loogu Soodhaweeyey Dalka Jabuuti,
- Aug 11, 2020
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu ...
XOG HOOSE:-Somaliland oo Doonaysa Inay Nabada Garaad Jaamac Garaad Cali Fashiliyaan,
- Aug 11, 2020
Xaalada guud ee deegaanka Buuhoodle ayaa ahaa mid dagan kadib markii dhexda u xidhay ...