600 Warbixin:-FIQISHINI, Waa Cadow Dhulbahante, Isku Dhex Koriyay, | khaatumo news online
dahabshiil

Warbixin:-FIQISHINI, Waa Cadow Dhulbahante, Isku Dhex Koriyay,

Beelweynta Dhulbahante , waxaa ay kamid tahay Beelaha inta badan aan aqoon qabyaaladda islamarkaana soomaalidu u tahay isku mid,

Gobolada SSC,ee dhulbahante waxaa la dagan beelo badan oo soomaaliyeed sida Beelaha Gabooye iyo Beelah Fiqshini,

Gabooye, oo kamid ah beelaha Soomaalidu hayb soocdo dhulbahante waxaa uu ka siiyay Labo magaalo Gobolka Cayn, kuwaaso la kala dhaho Daara-salaam iyo Galoolay,

Sidoo kale Dhulbahante, waxaa uu soodhaweeyay Inkasto uusan siin Magaalo u gaar ah Beesha Fiqishini, hadana taas badelkeeda dhulbahante wuxuu kusoo dhaweeyey Fiqshini inay la dagan deegaanada Adhicadeeye iyo Qararo oo Sool iyo Cayn ka kala tirsan,

Dhulbahante, soodhaweynta uu usameeyay fiqishini, waxaa kamid ah inay la sameeyen Suldaan U gaarka ah oo Beesha Fiqishini islamarkaana garab iyo Gaashan ku siiyen dhulbahante dhismaha isimkaasi.

Hadaba Beesha Fiqishini oo abaalkii dhulbahante u galay maxay ugu abaal guday,

Beesha Fiqishini waxay Weerar joogto ah ku haysa Beesha Naaleeye Axmed ee dhulbahante oo ay la dagto Deegaanka Adhicadeeye ee duleedka laascaanood iyadoo gadaal ay ka riixayso Somaliland,

Fiqishini, waxaa uu iska dhaadhiciyay in Adhicadeeye ay ka qaadan Naaleeye Axmed, Islamarkaana ka dhigtan Magaallo iyaga uu gaar ah. qorshahaana waxaa ku abuuray Beesha Fiqishini, Maamulka Somaliland iyo Xubno beesha ah oo maamulkaasi ku jira,

Dhulbahante, Isagoo tix galinaaya Beesha yar ee ku dhex nool mudo badan waxay samir iyo dulqaad ka muujiyen fiicilada Beesha Fiqishini wado balse maba aha wax joogsanaya ficilada Beeshaasi,

Dhulbahante, isago awoodda in uu dibada uga saaro Dhawrka qoys ee ku dhex nool Adhicadeeye hadana waxay ka raacen gobanimada laakiinse beesha Fiqishini, waxay aamintay in dulqaadka dhulbahante yahay cabsi taaso sii naaxisay damacoodii ahaa dhul-boobka.

Hadase waxaa Beesha dhulbahante u cadaatay in Fiqishini yahay cadow ay isku dhex korisay

Soomaalidu waxay ku maahmaahda ishii laga arkaa ushiisa lagu Tumaa.Dhulbahantaha Nugaasha Ama sool,in Fishiqini ku dhex Rasaaseeye Nugaal, waxay ka dhigan tahay Jawi iyaga laga dhex arkay.

Hawd-ka gaar ahaan Qararo waxa dagan Fiqishini mana dhacdo in Damaaci dhul-boob ah ama wax lamid ah ay muujiyan sababto ah waxay og yihiin in mudo kooban lagu gabo gabeenaayo,

Si kastaba ha ahaate damaca Beeshan Fiqishini ayaa soo bilowday tan iyo markii Duulaanka hubaysan Somaliland ku qabsatay Laascaanood 2007,

W/Q Ahmed Dhiif

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 24)

  1. Jama Abdirizak says:

    Sxb marka koowaad webka khaatumo iyo qofkii afkaartan dadka usoo gudbiyay jawaabteeda waad helaysaa iyadoo degdega
    marka labaad fiqishini cadaawad uma qabo dhulbahante ee fiqishini iyo reer cilmi baa adhicadeeye dega iyagaana is haya adigu hadaad reer cilmi tahay intaad hada dhulbahantow leedahay maad marka hore fadhiisatid oo dadka nabad gelisid maxaad hada ucabaadi adeer ciyaari waa gelin danbe ee weli laysma gaadhin .

  2. Macamed diriye yusur says:

    Kkkkkk warkan ninka soo qoray waa nin cataabay sida hadalkiisa ka muuqatana waa nin reer cilmi ah.inaadeer waxaad u hadashay si dadnimada iyo xaqiiqada ka fog labada beelood ee isku dhacay waa ka xumahay illahayna waxaan uga baryaynaa maslaxo iyo wada noolaasho fiican .
    Colaadaas ma aha mid dhulbahante iyo fiqishini dhexmartay ee waa laba jifo ah reer cilmi iyo fiqishiniga adhicadeeye degan .
    Fiqishini waxa uu dagaa hawd iyo nugaal inta dhulbahante dego iyagoo ka facweyn shirshoore oo dhan waliba ay heleen ducadii sheekh fiqishini. Ilaa iyo xiligaa fiqishini ku noolaa ma jirto beel dhulbahante ah oo isku dheceen ama wax ka tirsanaysa .marka in aad isku dhaca labada dhinac ma aha mid saamayn iyo colaad ku keenaysa dhulbahante guud iyo reer fiqishini. reer cilmi nabad iyo colaad iyaga ayeey u taal sida ay ula dhaqmi lahayeen fiqishini. Mana la dhihi karo dhibku xaga fiqishini buu ka socdaa .ee waa fekar shaqsi ama reer cilmi.
    Dadka ilaahaybaa mèsha ku wada beeray soomaali badan baana saas u wada degta ee ma aha waxaan kaligeen ku faani karo.
    Waxaase fiqishini iyo dhulbahante ka dhexeeya wada noolaasho iyo wadadhalasho taariikh dheer leh. Ee hala joojiyo fidmada
    Fiqishinina waxaan ugu baaqaynaa in aanay u qaadan warkaa war dhulbahante

  3. Yusuf says:

    Asc
    Oday fiqishini
    Waan idin saalamayaa dhamaantin intiina comentiga ka soo bixisay qoraalkana uu soo daabacay khaatumo news ama la feker ahada ama ka duwaanada.
    Inta sida wacan ee caqliga iyo dadnimada iyo wax isu ahaanshaha rabi garansiiyeyna waad mahadsantihiin mar labaad.

    Aan is weydiino webkani ma nin umada ugu adeega wixii saxaafadi ku adeegi jirtay ee wanaag iyo horumar if iyo aakhiroba ahaabaa,mise waa meel dulmiga lagu faafiyo.
    Waxaan codsanayaa ninkaan in la cadeeyo cida uu yahay wuxuu ku jiraa jariimo weyn.
    Hadduu dhulbahante yahayna waxaa looga fafhiyaa cida uu ka dhashay in ay ka jawabaan warkaas wiilkoodu qoray.
    Dhulbahante iyo fiqishini intii rabi uumay halkaas bay ku wada noolaayeen kuna ahaayeen rag hiil iyo hooba ka dhexayso
    Dhul u dhaxlanaa ama u qaybsanaa ama qolo magan loogu yahayna ma jirin.
    Waxayna ahaayeen wadanool.
    Cudurkan aad xanbaarsantahay rabi naftaada ha ku koobo.
    Hadad reerkaas necebtahayna iyagu kuma ogae qori qaado oo u tag caano aad ka soo cabtide.
    Waxaana ku talinayaa webkaa khaatumo in ay raali gelin ka bixiyaan qoraalkaas,dibna aanay ugu noqon waxaasoo kale inay soo qoraan.
    Hadii kale waxaad ogaataan in webkaas laga qaadi doono talaabo

    Fiqishini iyo dhulbahantena inta caqliga wacani way is ogtahay waxa ka dhexeeya dhul iyo dhaqan inta adiga kula caqli ahina rabi hadintoosiyo.
    Waxyaabahan yar yar ee iska dhacayaana naf rabigii uumay goynaayo iyo mid uu kusababayo cidina ma celin karto qof neceb iyo mid jeceltoona wayna iska dhamaanaysaa markii illaahay doono.
    Iskaa kinsiga xun ee aad kaydsanayo

  4. Beelaha waaweyn says:

    Ugaadh yahan awalba xanuun dhulbahate bay qabeen CUQDADA dhulbahante bay mel awalba la taagan yihiin . Meel walba saas baan logu laayaa fuck off

  5. Mahad says:

    Kkkkkm waxuu dhahay dhulmahante qabiil ma yaqaan waxuu dhulsiiyay gabooye waxaad hada qoraysaa qabyaalad ma aha ayaa cawaan waa reerkii was waasheene yaa miyir u soo gada

  6. jugsodhacay says:

    Fiqishini FIICNAANTOODA IYO XUMAANTOODA muhiim ma ahan ee waxa muhiim ah inaadan deegaankaga ku abuurin nin aad kala siyaasad tihiin oo beri aad isdilaysaan ,soomalidu waxay kala qaxday oo nin walba degankiisa uu dabada lagalay 1991,marka gob baan ahay iyo reero kale baan soo dhaweyay qiimo maleh oo maantaba wataa ARICADEEYE ka taagan iyo irir baan ahay,,hadii abtirsiinyo run ah laga hadlaayo gabooye waa irir dhalad ah laakiin fiqishini siyasad bay ku noqdeen irirka feysalcali warabe meelaha ka sheeg shego.

  7. ABC says:

    Khiyaali news.
    Tan Ayaa cadeyn u ah in aan kuwani waxba ka aqoon cilmiga saxaafada iyo wariyanimada..

    Qabyaalad, isku dir,cuqdad, cudur,jahli,colaad la oogo, ayey caan ku yihiin ooy faafiyaan.halkaasey saxaafada ka barteen ooy ku taqaquseen.

    Caafimaad ayaanu rabbi idinka baryeynaa.

  8. Issak says:

    Qabyaaladiiste, dowlada Irir ee somaliland ayaa u taagan fiqishini maxaad ka tari kartaa, dhulkana iyagaa iska leh, walaalahood cali geri hiraabna kor ayay kala sodaan!!!

  9. Mohamed adan says:

    Asc Waar Allaah ka cabso oo xumaanta iska daa maalmaha khayrka leh fidno hurudana ha kicin si aan nacdali kuugu dhicin ogowna waxaa aad qorayso ee aad faafinayso in lagaa qoraayo oo malaa,igi garbahaaga saaran tahay dad wixii akhristaana kugu markhaati furayaan maalin aad weliba adigu in lguu hiiliyo u baahan tahay aniga waa iga nasteexo ee dib u akhri waxaad qortay oo how noqon cidna adigu masuul kama tihid ee hala xisaabtamin kaliya naftaada la xisaabtan iyo wixii adiga dan kuu ah if iyo aakhiroba wcw

  10. Ali hasan says:

    Kan Reed miyiga ee aanan wariyanimada wax ka aqoon aad buu iiga qosliyey ,wuxuu yiri “inkastoo fiqishiniyiri”in kastoo dhulbahante fiqishini dhul siin” yaa iska leh qararo HAWIYE Madigaa iska leh ,mise Adhicadeeye ayaa Naaleeye axmed leeyahay, waa la taqaan taariikh Adhicadeeye nimankii cilmi naaleeye ee lagu soo DHAWEEYE ayaa isku dayaan iney fiqishini ku dayaan waxaa n.v a u maleynayaa sidoo horeudhacdeyba 1996 kii in ay ku hungoobi galaga waan toobo colada lahurinayo,Adhicadeeye iyo qararo hawiye loo labuduba waa dhulfiqishini colaadu ma fcnna cidna uma fcna .

  11. Somali galbeed says:

    CLARIFICATION

    NINKA DHULBAHANTE CAAYAY AYUU JAWAAB U YAHAY HADALKAYGU, UUNA XASUUSTO INAANU DHULOS LA MID NOQON DADKA QAARKIIS KUNA HOOS NOQON DADAY EHEL YIHIIN, DAD IYO DALNA KA DHAXEEYO,

    CIIDAL ADXAA IYO AYAAMO BARAKAYSAN ILAAHAY BAANU KA MAGAN GALNAY OLOLE DHIIG ISLAAMEED OO MARKASTA XAARAAM AH,

  12. Ali Jama says:

    Waar ninka ceynkan u hadlayaa miyaanu dhimanayn, Innaa LIllaah Wa Inna Ileyhi RJC. War maxaad dhiigga muslimka ka faa’iidaysa, maxaad qaxa ka faa’iidaysaa, miyaanay hooyo ku dhailn, hooyada goblomaysa ee qaxaysa, maxaad ka faa’iidi, carruurta agoomoobaysa ee qaxi doonta, gaajoon doonta maxaad ka faa’iido, waar istaq furulayso oo toobad keen, Allah yuu kuu cadhoon oo calaamad laga ifine, reerkaag iyo walaalahaa u tudh, belaayo how yeedhan hana toosin, Illaahay adaan kaa magan galnayn dhiig muslim iyo miskiin, Alhamdullilaah.
    Somali oo dhan baa isku dhex nool oo is-dhashay, Deegaanka Sanaag waxaa Isaaqa la deggan a) Jibraahiil oo Ogaadeen sheegta, b) Gahayle oo SIwaaqroon Sheegta, c) Mareexaan oo Celi ah, Dhiig iyo dhalasho , xidid, xigto, abti, Habarwadaag, Ilmabti, Habaryar, waxay la yihiin ummadda ay la deggan yihiin,

  13. Geesigii Reer Ismail Hashi Colwad (Dhiidhiye) says:

    Besha biqshini waa beel aan walaalo nahay degaankana naga degan marka in aad nagu dirtid kama yeeleyno e sxb umadda ka daa waxa aad ka dhex wadid Dhulbahantana ma yaqaana Dad degaankiisa degan in ay Cunsuriyeeyaan e waxaan leeyahay beelaha fuqshini Degaanka waad nala degtaane nabada ilaaliya anagana raali baan idinka nahaye

  14. Boqortooyada somaliya says:

    Walaahay Waa maqaalkii iigu runta badnaa ee aan khaatumo news ka akhristo, cadowga 1aad ee dhulbahante haduu soomaali jiro Waa FUQiSHiNI, Baadhitaan dheer baan mudo kuwaday horta intooda qurbaha joogtaa maba qarsadaaaan cadaawada, iyo nacaybka ay dhulbahante u qabaaan, siday isugu dhedhejiyaan iidoorka, siday u neceb yihiin in dhulbahante wax noqdo, markuu arko AMA lagu Baro nin fuqishini ah ee la dhaho ninkani Waa dhulbahante Hal mar buu wejigiisu is bedelayaa cuqdada iyo nacaybka ku jira ciduu kujiro walaanan u arag, nimankaas Waa in dhulka la dhaafiyaa inta goorigoor tahy, dhulbahante ha ka qixiyeeeen dhulkooda, adeer weli ma aragteen nin fuqishini ah oo halgan idinkula jira Waa maya,
    Naaleeye axmed iyo ugaadhyahan weynow meel saara nimankaas.

    • dheere says:

      Boqortooyada Soomaaliya ninka labaxay.
      Adeer reer Fiqishini mataqaanid oo waxaa lagayaabaa in aadan dhulbahantaba ahayn sababtoo ah sidaas umaad hadasheen.Dhulbahante iyo Fiqishini mar way is dhaleen oo reeraha ugu badan Dhulbahante waxaa dhalay fiqishini,Fiqishini oo dhana waxaa dhalay dhulbahante waa isku degaaan meelwalba ay wada joogaa waa wiil iyo abtigii markaa adigu dadkaa kale ayaad tahaye oo kugaranaye iska aamus.

    • geelle says:

      Dabkaad hurin habeen iyo dharaar halacyadaad oogi, halla kuma xoreysid ee cidlaad ka hawisaysaa, waar illeen reerku Cali Dhuux ma waayaan, beenaale waligay ma arag Fiqi Shini meel ku shiray ama ka hadlay oo Dhulbahante wax ka sheegay, ama cabanaya, waligay juq kama maqal, flinty baad tahay, dab dhaliye, armuu adiga ku gubaa dabka aad shidayso

  15. Fuad Arwo says:

    Abti Nabada ninkii garan waaya isaga ayaa maalin uun ogaan doona macaan keeda. Dhulbahante gobanimadisa ha iibin oo gunimo ha ku bedelin.

  16. Somali galbeed says:

    GALGALE DAD IYO DUUNYO MEEL UU JAAN IYO CIDHIB DHIGAY LAMA HAYO, FIQSHINIS FROM QARARO(BUUHOODLE) TO ADHICADEEYE (LASANOD) ARE ENJOYING THE LIFE, DHULOS WAA GOB, NO DOUBT ABOUT THAT…

  17. Mahbar says:

    Iidoor markii ay kari waayeen Dhulbahante, ayeey waxay bilaabeen in cadow u sameeyaan. Waxa yaalaha cadowgaaga kaaga guuleysto waxaa ka mid ah in uu kugu taageero cadowgaaga. Ninka dhulbahante waa ogyahay Fiqishini iyo waxa la’isku yahay, gabooyana waa umad Soomaali dulman u baahan in loo dulqaato.

    Arimahaan oo kale markii aad aragto iidoor jabyay oo quusay, waana cabsadeen, waxayna ogaadeen in Daarood kun jeer ka badan yahay oo meel walba looga soo duulayo, ilaa iyo kismaayo. Creating a ProxyWar will not cutt it, get off our lands Iidoor!

    • geelle says:

      Mahbar, been baad daldalaysaa, yaa kugu yidi Iidoor baa ka yar Daarood, sowtan adduunku soo qoray ee Puntland soo daabacday, WORLD BANK, ICG, CIA, WHO, waxa la isku raacay in Iidoor yahay qabiilka labaad ee Somali ugu badan, ama ooy ama wixii hooyaddaa kuu sheekaysay iyo ayeydaa fagaaraha la kaaly, taleex, lascanod, buuhoodle , waxaa ka dad badan Gabilay oo qudha wallaahi, Hargeisa qudha 1.5 million baa jooga, Burcona 550 kun, eeg oo ka badań google. somali cities population,
      CCS FOR WHO AND SOMAIA (2010-2014)
      Central Intelligent Agency, 2002
      Somalia has a clan-based society, with clan membership playing an integral role within socioeconomic and political arenas. The clan is an important social unit, where collective responsibility and clan relationships form the basis for traditional agreements including dispute settlement. Major clans include
      Hawiye (25% of the population),
      Isaaq (22%),
      Darod (20%),
      Rahanweyn (17%),
      Dir (7%),
      Digil (3%), and other ethnic minorities (6%)
      Adeer anigu maan keenin suudaanta, hay eersan

  18. Oday says:

    Beesha Fiqiahini waa beel sharaf leh oo dhaqan iyo dhiigba la wadaaga Beelweynta dhulbahante, inaad sidaa u hadasho oo aad fidno iyo qudhun ka shaqeyso waa caqliga kuu sheehay inaad wariye tahay ee kuu sheegi waayey inaad maskiin xoolo-dhaqato ah tahay. Saxaafadu waa meesha bulshada laga wacdiyo oo horumarka iyo nabada ka shaqaysa. Dadyowga caalamku waxay saxaafada u isticmaalaan dhanka waxbarashada, technological advancement iyo arimaha bulshada iyo afkaaeta wadaniyadu ku dheehantahay lkn nasiib darro dadkan miyiga ka soo yaacay oo khaatumonews kow ka tahay waxay saxaafada u adeegsadaan in loogu adeego wax kasta oo Soomaalinimada iyo Islamnimada lid ku ah.
    Maqaalkan aad soo qortay oo aad uga jeedo sidii colaad iyo is nacayb loo abuuri lahaa waxad ku geleysaa naarta Eebe, aduunkana waad ku ceebowday oo caqligaaga ayaa la arkaa iyo sida aad munaafuq u yahay fidno iyo dhibaato hunguri ku jiro irsaaqad ka raadinaya
    Hadii aad ka waantoobi weydo qudhunka aad walaaqayso waxad ogaataa insha Alah, in calaamadi kaa soo baxayso si deg deg ah oo aad maali doontid xiqdiga iyo cunufka aad abuurayso

  19. Haaheey says:

    Ma idinkaa dhulbahante ah waxaad soo qori jirteen dib u fiiriya web iyo qoraagaba runta ayey sheegeen faqashini waa kuwa iska dhiga dhulbahante ee laascaanood iidoor ku faansha shacabkana marin habaabiya

  20. Hassan says:

    Anigu reer Laascaanood baan ahay (JS)si aadan u ilduufin. Fiqishinina sinaba kuma kalo maarano. dhulkana waynu wada lee nahay. waana na deeqaa ee beenta iska daa. Miyaan Lagu xisaabeyn aakhiro.waxaad qoreyso oo beenta miyaadan ogeynd inta qof kasta oo maqla ama akhrista inuu aakhiro kugu markhaati furayo.MaxaynuIsaaq uga cabeynaynaa hadii inaguba dadkii degaanka lahaa sidan qaldan wax uga sheegayno

  21. Yusuf says:

    Waa beentaa oo beeliba beesha ay ka miyisantay ka qabyaalad iyo qudhun badan. Sidaa awgeed, Dhulbahante waa warshadda qabyaaladda




script>
WAR CULUS:-Shirkii Muqdisho iyo sadex Qodob Oo Maamuladu ku Dhagan yihiin.
- Sep 17, 2020
Waxaa mar kale dib u bilowday shirka looga hadlayo hannaanka doorashada oo u dhaxeeya ...
Deg Deg:-Wasiiro katirsan Puntland oo Maxkamada looga yeedhay
- Sep 17, 2020
Xog hoose oo uu helay xafiiska shabakadda Khaatumonews ayaa sheegaysa in xubno katirsan golaha ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ciidamo Itoobiyan ah oo Duleedka Hargaysa ka Qabtay xubno Alshabab ah.
- Sep 16, 2020
Ciidamo xoogan oo ka socda dalka itoobiya ayaa gudaha u soo galay somaliland gaar ...
Deg-deg Daawo Video:- Beelaha Hagar iyo Hayaag (Mataano Hawd) Oo Geel Mag Kula Kala Wareegay Magaalada Ceegaag
- Sep 16, 2020
Labada beelood ee Hagar iyo Hayaag oo la magac baxey Mataano Hawd oo dhawaan ...
Laba Nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta
- Sep 16, 2020
Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ...