600 Deg Deg:Beesha Caalamka Oo War lama filaan ah kasoo Sartay Doorashada Somalia. | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Beesha Caalamka Oo War lama filaan ah kasoo Sartay Doorashada Somalia.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saareen walaac uga muujiyey dhacdadii Sabtidii uu baarlamanka Soomaaliya xilka uga qaaday ra’iisul wasaare xasan Cali Kheyre, waxayna ka digeen doorasho aan la isku raacsaneyn oo dadka lagu qasbo.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Soomaaliya* ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.

Saaxiibadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas.

Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah. Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay.

Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii Dhuusamareeb.

*Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Xagarciideed says:

    Bayaankan ay soo saareen waa oohin ka bi`in qawleestada/danaysatada siyaasi ku sheega isbaarada siyaasadeed wata. Shacab meyd ah oo aan mudaharaadeen oo ogol in dhiigmiirato ku dul shaqaysato bay u bateen Somalidii. Haddii tuulo kasta iyo magaalo kasta laga mudaharaado faragelinta shisheeye, sidan looma hadleen ee shacabka la iska wada gadi lahaa. Jawaabta aan sugnaa waa jawaabta shacabka Somaliyeed intooda nool. WBT

    • geelle says:

      Xagar ciideed, iska hadle ina igare, shacabka Somalia iyo dawladda daciifka ah ee shoroobada ku socoto yaa shoroobada ku wada, yaa kharashka ay cunaan baxsha, yaa ciidanka mushaharka siiya, ma hooyadaa baa siisaa doofaar nijaas, dadka waan tuugsanaya waana maagayaa, halkee lagu dheelaa, fakhri, gaajo daacaya adiga oo ah dadka afka wax kugu shuba ka jeedi afkaaga uraya, Qatar iyo Fahad yaasiin faraha may kala baxaan, sow lacagta Qatar dalka lagu baabin maayo, afkaaga ka jeedi ummadda somaliyeed ee burburka kusoo wado

      • Xagarciideed says:

        Geele, waa maxay dawlad, yey meteshaa, yaa dan ku qaba, haddii aanay dawladi-jirin maxaa dhacaya, dawladi ma ku danaysi shakhsi baa, ma beel baa keligeed ku shaqaysata, yaa kuugu dawladeen kara waxa dadka ka wada dhexeeya oo keligii qaadan kara? Intaa waxa ku tagrifalay oo biliqaystay oo aaminsan aaranjinni (Garowe)iyo dhuxuleyste (Kismayo) iyo badar iyo beeso (Xamar) iyo jeegaan (Hargeysa). Haddii aad ka soo jeedid intaa aan soo sheegay waxaad u baahan tahay seminar laguugu baro dawladnimadu waxay tahay.

        Dawladi, waa heshiis shacab og dantiisa iyo awoodiisa oo doorta kuwa ay u arkaan inay daacad ugu shaqaynayaan, wax kasta oo lagu wada heshiiyey, oo wada ilaashada; Shacabkuna waa inuu door kiisa shacab qaato oo aanay dawlado kale ka dhex shaqaysan karin, yacni qofkasta noqdo daljire wadaniya.

        Waxaan kaloo kuugu daraya, Nebigeenii NNKH ahaate wuxuu yidhi “waalidka ha iska caayina, diintana ha iska caayina … CSWSalaam” Hadaad ibnu xalaal ahaan lahayd hooyo caay meesha maad keenteen, bal dib isu baadh, ma xaaraan baa lagugu soo koriyey. Fadlan, raiyigaaga ka hadal. Waxa soconaya ee meesha yaal waa masiir dal dhan oo ummadda Somaliyeed ka dhexeeya, aragtidaa u dhiibo si classical-ethics leh, adiga oo aan xadgudin. WBT




script>
Daawo:-Qoor Qoor Oo La Shiray Gudiyadda Farsamada ee howlaha Doorashooyinka
- Aug 12, 2020
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo maalmahaan ku sugnaa ...
Deg Deg Daawo:- Isimada Reer Borama Oo Ku DHawaaqay in Doorashada Somaliland Aysan ka Dhcay Dhulkooda,
- Aug 12, 2020

Ciidanka Somaliland Oo Weerar Culus Kala kulmay Ganacsade Reer Laascaanood ah,
- Aug 11, 2020
Ciidanka Somaliland ayaa caawa Weerar Ku soo qaaday ganacasade ay hore uga guben qaad ...
DAAWO:Faysal Cali Waraabe ‘Hawiyow Iska Saara Daaroodka Idinku Xukumaya Muqdisho’
- Aug 11, 2020

Daawo Sawiro:Deni Oo Si Yaab leh Loogu Soodhaweeyey Dalka Jabuuti,
- Aug 11, 2020
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu ...