600 DAAWO:;Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Ka Wadahadlay Xidhiidhka Taiwan. iyo Somaliland, | khaatumo news online
dahabshiil

DAAWO:;Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Ka Wadahadlay Xidhiidhka Taiwan. iyo Somaliland,

Madaxweynaha Soomaaliya iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho ayaa ka shiray xidhiidhkii dhawaan ay yeesheen Somaliland iyo Taiwan.

Qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa u dhignaa sidan.

Muqdisho, 4ta Luuliyo, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha.

Dhankooda, Dowladda Shiinaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Danjiraha Shiinaha ayaa dhankiisa ku cel-celiyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go’antahay dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. cirsila says:

    guul alxamdu lilah somaliland, mansha allah tana ma usoo taagnaa. alxamdu lilah

  2. Binary Operation says:

    shiinuhu waa gaadhi doona hadafkiisa ah in aan Taiwan laga jarin laakiin maamulka muqdisho meel ma ku ogyahay in somaliland juujuub loogu keeni karo? kkkkkkkkkkkkk

    waanu ka laaban karna xidhiidhka aanu Taiwan la samaynay hadii aynu China ka helno Replacement.

    ugu dambayn somalia iyo china isku meeqaam ma yihiin? kkkkkk

    china waa veto power ka aduunka xukuma oo hor istaagi kara taiwal maamulka muqdisho na waa fail estate baahi badan! kkkkkkkkkkkkkkkkkk

    maamulka muqdisho waxba kama qaban karo arrinka somaliland indhahoodoo shan ah baanu soconayna oo hadii wahadalka la isku af garan waayo maxkamad ku gayn karnaa.

  3. Binary Operation says:

    shiinuhu waa gaadhi doona hadafkiisa ah in aan Taiwan laga jarin laakiin maamulka muqdisho meel ma ku ogyahay in somaliland juujuub loogu keeni karo? kkkkkkkkkkkkk

    waanu ka laaban karna xidhiidhka aanu Taiwan la samaynay hadii aynu China ka helno Replacement.

    ugu dambayn somalia iyo china isku meeqaam ma yihiin? kkkkkk

    china waa veto power ka aduunka xukuma oo hor istaagi kara taiwal maamulka muqdisho na waa fail estate baahi badan! kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. Mo says:

    War iidoorkii maantay khaladkii ugu waynaa gashay,
    shiinuhu waa quwadda qarniga 21aad, marayku wuxuu ku jiraa dib u dhac aan ka soo kabaaho kahayn sida quwadihii ka horreeyey( terminal -decline). Khaladkaa ay maanta galeen oo ayna wax faa’iido ah ka heleyn shiinuhu meel buu ku qoran. dowladda fadhiidka ah ee muqdishona taageeray ka heli.

    Marka xaalku waa muqdisho 2— hargaysa 0

    Viva Soomaaliweyn.

  5. Somali galbeed says:

    NIN LA SHIRAY GOBOL GOONI GOOSATO AH OO RABA INUU CHINA KA GO’O IYO NIN LA SHIRAY QUWADA 5AAD EE CAALAMKA SI’AY MIDNIMADA WADAMADOODA U ILAASHADAAD.”RAG IS GURAYEE’

  6. Axmed warya says:

    Shiinaha iyo Somaliya waxba kama tari karaan ,xidhiidhka,Taiwan iyo Somaliland.
    Waa habar dhali weydey alleello ku waalatey.midna ma xukumo calanka ay sheegabayaan.waa xaasidnimo.




script>
Daawo:-Qoor Qoor Oo La Shiray Gudiyadda Farsamada ee howlaha Doorashooyinka
- Aug 12, 2020
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo maalmahaan ku sugnaa ...
Deg Deg Daawo:- Isimada Reer Borama Oo Ku DHawaaqay in Doorashada Somaliland Aysan ka Dhcay Dhulkooda,
- Aug 12, 2020

Ciidanka Somaliland Oo Weerar Culus Kala kulmay Ganacsade Reer Laascaanood ah,
- Aug 11, 2020
Ciidanka Somaliland ayaa caawa Weerar Ku soo qaaday ganacasade ay hore uga guben qaad ...
DAAWO:Faysal Cali Waraabe ‘Hawiyow Iska Saara Daaroodka Idinku Xukumaya Muqdisho’
- Aug 11, 2020

Daawo Sawiro:Deni Oo Si Yaab leh Loogu Soodhaweeyey Dalka Jabuuti,
- Aug 11, 2020
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu ...