600 In Majeerten Ku Qamaamo Gooni Goosad Waxaa Sabab U Ah Kool-koolinta Isaaq Ee Fadaraalka | khaatumo news online
dahabshiil

In Majeerten Ku Qamaamo Gooni Goosad Waxaa Sabab U Ah Kool-koolinta Isaaq Ee Fadaraalka

Laga soo bilaabo bishii Sadexaad ee sanadkan ilaa maanta oo aan joogto waxaa soo baxaayay warar sheegaya in maamulka Puntland uu doonaayo in uu soomaaliya ka goosto hadii la maqli waayo taladiisa.

In Soomaaliya iyo Guud ahaan Dawlada Fadaraalka xiligan ay ugu Hanjabaan Puntland , inay ka goostaan Soomaaliya Maxaa keenay waa mid mudan in la is weydiiyo.

1991 ayay Ahayd markii Beesha isaaq ay sheegatay inay ka goosatay soomaaliya.

Beesha isaaq Gafkii ay u Geesatay Qaranimada soomaaliya ku maysan Mutaysan ciqaab balse taas badelkeeda waxay ku heshay dhaqalle Manfac kala duwan iyo koolkoolin dheeraad ah iyo in loo afduubo intii kale rabtay soomaalinimada iyo Midnimada .

1991 markii isaaq ku dhawaaqay inay soomaaliya ka goosten xukumadihii kala duwana ee soomaaliya soo maray midkasta waxay naaxinasay fikirka beeshaasi ee gooni goosadka Ah. halkii laga rabay in Dawladihii kala duwana ee soomaaliya Soo maaray inay saqiiriyaan fikirka oo ku soo rogan cunaqabateen dhaqaalle iyo mid siyaasadeed si uusan u hirgalin fikirkan guracan ee dalka lagu kala jaraayo kadibna ay cashar u noqoto cidii kale hawaysata fikirkaaso kale,

2020 maanta in Puntland dhahdo waxaanu ka goosanana soomaaliya waa qorshe eediisa ay leedahay Dawlada Fadaraalka soomaaliya sababto ah kuwii hore ayaa ku Faa’iiday gooni goosadka

Siyaasadda soomaaliya ee 30 sane ugu danbeeyay ahayd in la maslaxo ninka soomaali duminaya kii doonaayay soomalinimada la duudsiyo midho dhalkeedii waxay noqotay in beel wali ku hanjabto gooni goosad.

La soco Qaraalka xiga kan oo aan uga hadlaayo gooni goosad majeerten iyo isaaq oo aysan raali ka ahayn warsangali iyo dhulbahante muxuu soo kordhinaya?maxaase Xukumada Xamar, uga qorshe ah Beelahan gooni goosadka ku Hanjabaya iyo kuwan somalinimada doonaya ee ay iska indho tirayso Dawlada somalia,!

Khaatumonews.com

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. Hassan Hussein says:

    Geelle !
    Ninkaasa isha ka riday! Geelle waa siyaasi weliba aad u caqli badan.
    Somalia waxaa maanta ma jaraha u haya waa UN iyo Beesha Caalamka laakiin ku jira daaha dabadiisa.

  2. axmed hiiraan says:

    salama alaikum

  3. Hobyo man says:

    Waar tii dhulmahante ahayd ma miyir qabto dharkuunbay sidataa maxay diidan ama yeelaan dhulba ma hayaane reer ismadhagayste, wax laga xishooday fan ka dhigtaan reerka walahi soomali ugu liitaa tihiin lakiin iska ogidin

  4. Binary Operation says:

    Colaad meel aanay joogin hadaad gayso hadhow ka shalaayi doona waa adiga.

    Puntland awood uma leh inay goosato sharciyad Iyo qiil midna uma leh.

    Deegaamada ssc aad ku sheegayso at the end gacanta Somaliland bay ku jirta nimaad kamid tahay ood
    Gacantiisa gali doontid colaad fog haka samaysan.

    Arrin kana hadaad gayso daarood vs irir samaale yaa ku jabaya is waydii! Hhhhhhhh

    Waqooyi aqlabiyadiisu waa isaaq oo anigaad si rasmi ah gacanta iigu galaysaa koonfur na hawiye ayaa haysta aqlabiyadiisa oo gacanta u galaysa Iyo mareexaan oo alliance la ah iyaka.

  5. Xagarciideed says:

    Murti baa tidhaahda “Nin Abeeso koriyow, adigaa u aayiye”, waxan soconaya, waxa u sabab ahaa Shariif sheekh Axmed iyo Xasan guurguurte, oo qalinkoodii lagula qabsaday, iyagoo uga raaldi ah. Waayo, iyagaa gaadhsiiyey Farole inuu calan ugaara sida Hargeysa samaysto, oo isu diyaariyo gooni goosad. Farole, kaartadiisii ugu horeeysey ee uu ku legdey Shariif iyo Guurguurte, waxay ahayd xafiiskii UNISom buu gacanta ku dhigay. Maadaama dawlada laga quudiyo xafiiskaa, siduu ku kala dhex geli lahaa, iyagana uga adkaan lahaa. Wuxuu iibsaday Mahiga iyo Sakiin oo ahaa xilligii Shariif afhayeenka baarlamaanka sidoo kale Mahiga markuu gacanta ku dhigay, wuxuu u keensaday Mr. Farole, Nuuradiin Diiriye, oo u fadhiyey xafiiska UNISom xilligii Mahiga sii tegeyey ilaa xilligii Nichlas Kay ilaa Micheal keating. Ogow N. Kay ilaa M. Keating, xafiiskooda la taliye buuxa arrimaha Somaliya, waxaa ka ahaa awpuntland(Jaalle Diiriye), lacagaha mucaawinada mashaariicda la siiyo P/landna dilaalkooda wuxuu ugu soo celin jirey si xirfadaysan diircadayaasha, taasoo sababtay inay helaan mashaariic ka faro badan waxay helaan Somalida kale.

    Allaah kariim. Farole, been been geedka timirta uma fadhiisto, irmaantii shaxdii uu soo salaxday, dawladiisii ilaa tii C/weli iyo ilaa tan maanta Deni, walina wuu ku xashtaa oo ku cajiimaa geedbaaskaa hoostiisa. Farole, dalka siduu rabey ayuu uga soo shaqaystay, hadday tahay dhac iyo boob xaq duudsin. SSC iyo Khatumodii ka danbeysey xafiiska UNISom buu ka xabaalay, iyadoo loo soo maray Shariifka iyo Guurguurtihii ka danbeeyey oo u sahlay, in lagu bahdilo xaqay ku lahaayeen dawladoodii Somaliya.

    Shariifkii tijaabadii ugu horeeysey ee la marsaday waxay ahayd xidhibaanadii reer Khatumo kala badh in loo baado oo lagu wareejiyo Farole, halka guurguurte dhamaantood uu ku wareejiyey geedkii Timirta in laga soo diro iyo Garowe. Ogow, kuwii laga soo diray Garowe maanta waa kuwa Caasimadii lagu garaacayo ee diidan inay hesho caasimadu xaqeeda. Sababtuna, waa inay qabtaan shaqadii loo soo dirsaday. Sidoo kale ogow, wixii, wasiir ama safiir Shariifku magacaabay waxa soo wada dirsaday Farole, sidoo kale wixii guurguurte soo magacaabay safiiro iyo wasiiro waxa soo dirsaday …, maanta Somaliya wey ka baxday afduub shacab iyo halbeega (win lose solution), waxayna u guurtey Somali oo isku dhan halbeega ah (win win solution), waana dhamaatay afduub siyaasadeed oo danbe ama geed laga soo qaso arrimaha ummadda. Calaa kullin, waa faashil siyaasadii Farole.

    F.G Wasiirkii hore ee kaluumaysiga waxa dagaal kula jirey Farole oo aabihii u sababeenayey garab istaagii halgankii SSC, taasoo uu uga dhaartay inuu noqdo xildhibaan, Garowena ka soo bursaday. Markii dawladii Farmaajo iyo Khayre uu ku arkayna uu weer u xidhay sidii looga saari lahaa golaha isagoo u adeegsaday C/weli, aakhirkiina wuu ku guuleystey, inuu ka qaado xilkii wasiir-nimo ee uu dalka ugu shaqaynayey. Nasiib xumo aqoonyahan ummaddu u baahan tahay oo u shaqaynayey buu kula dagaalamay aabihii baanu col ahayn, laakiin Allah iyo ummadiisii Somaliyeed baa u haya abaalkii, waxtarkii iyo wanaagii uu dalkiisa u soo qabtay, hadday ahayd ka qayb qaadashadii deyn cafintii IMF iyo Worldbank ka shaqayntoodii iyo dhisidii ka faaiidaysigiikhayraadkii badda iyo sidii aynu Turkiga wax ula qabsan lahayn, oo sii jeexay wadadii loo marayey. Wasiirkii hore ee kaluumaysigu wuxuu ku jiraa dadka leh wanaagyada badan ee loo tiriyo nabad iyo nolol, wuxuu ku mutaystay abaal marin Somaliyeed. WBT

  6. geelle says:

    Dabagaale Turub baran maayo, nimanka qora webkan meel bay ka dawakhsan yihiin, siyaasadda waxba kama yaqaanaan.
    Waa dawladihii Soomaray Somalia ma kool koolin Somaliland, waxba ulama hashing, waxayse hawshu ka socotaa oo aqoon darro kaa haysataa, beesha Lixaad ee caalamka ayaa siyaasaddeeda dawlad kasta oo Somali soo martaa dhaafi karin. Siyaasada dawladahaasi waa
    1- In Somalia dib loo mideeyo oo si uun lagu mideeyo
    2- In Somaila iyo Somaliland la dejiyo, laga ilaaliyo fawdo, argagaxiso, qaxooti Yurub ay ku aadaan I’m.

    Sidaa darteed ma oggola in dad deggan la qaxiyo ama dagaal dhex mara, Somali dhan walba, ujeedadoodi waa in Alshabaab la jebiyo, haddaba dawlad kasta oo Xamar timaedo , mana cunaqabatayn karto Somaliland , mana gelin karto burbur waa hadday awoodo, mushaharka iyo ciidamada waxa bixiya Beesha Caalamka iyaga ayaan xukuma waxay sameeynayaan, waa kuwii diiday in Kismanyo lagu weeraro, ee Gedo weli ku xanniban.
    Waar joojiya dawlad baa sidaa tidhi, adeer waa waxa caalamku doonayo, iyaga ayaa shirka Djibouti isugu yeedhay, iyaga ayaa ergada Koonfur yidhi haku soo darin dad ka degen Woqooyi, waxba gacanta dawladahan aad ku qaylinayso uguma jiraan, Dawladda Somalia xukuntaa waxay fadhidaa Xalane, telefoon kasta oo madaxtooyada laga diro waa la dhegaystaa, waxba kama qarsoona, biilka iyaga ayaa bixiya, markaa canaan iyo ruwaayad aad leedahay cid baa la kool kooliyey, adeer jooji, masaakiinta Farmaajo iyo wixii ka horreeyey ma qaban karaan wax aan loo yeedhin, DENI , iyo Muse Behi waxooga flexiblity ah bay haystaa, iyaga laftoodu red line baa jira. Somali waxba gacanta uguma jiraan, ummadda cirkaay maqal tan dhulkaay maqal,

  7. Yusuf says:

    Markaa ma Puntland oo la siman gobalka Awdal, Maroodijeex ama SAnaaga ayaad la simaysaa jamhuuriyadda Somaliland ee lixdankii la midoowday Soomaaliya oo wali ay joogto boqoraddii saxeexday shahaadaddii dalka ay ku aqoonsatay, yaa xayawaan.

    • Mahad says:

      Adinku wixii Siyaad Barre dhisay uun baad dayactir ku sameysaan, laakiin Puntland, Labo Garoon Diyaaradood oo Caalami ah ayeey dhisteen, mid sadexaadna waa la bilaabayaa, waxaa u dheer dekadii labaad oo la dhamaystiri doono mar dhoow. Xaga militeriga waa bilaabeen oo waa soo jeesteen. Darajadu waa camalee, maxaad qabatay iidooroow aan ka ahayn kala dilka Harti adigoo ictiraaf ku raadinaya?




script>
Deg Deg Daawo:Oromadii Xamar Daganeed oo Dalbatay in Lasiiyo Meeqaam,
- Jul 5, 2020
Qowmiyadda Oromada ah ee ku nool magaaladda Muqdisho ayaa dalbaday in ay xaquuqdooda Matalaad ...
Daawo:Qosolka Reer Hargaysa Oo Habaar Aan Hore Loo Maqal Ku Habaaray Farmaajo Markii Qaadka La Joojiyay,
- Jul 4, 2020

DAAWO:;Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Ka Wadahadlay Xidhiidhka Taiwan. iyo Somaliland,
- Jul 4, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho ayaa ka shiray xidhiidhkii dhawaan ay ...
Daawo:::Qaadwalle Yaashi Somaliland” Farmaajo Noo Fasax Qaadka Muuse waa Badhasaabe”
- Jul 4, 2020

Daawo:Sahro Halgan Oo Tidhi””Dhagax Ha Lagu Dilo Qofka Calanka Somalia Ku Dhex Xidha Somaliland”
- Jul 4, 2020
Hargaysa{ Khaatumonews }Fanaanada Sahra Halgan oo kamid ah fanaaniinta Beesha SNM oo la hadashay ...