600 Beesha Daarood dalka miyeey ka guureen? mise SNM iyo USC ayaa hadda ogaaday inay ku adkaadeen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. | khaatumo news online
dahabshiil

Beesha Daarood dalka miyeey ka guureen? mise SNM iyo USC ayaa hadda ogaaday inay ku adkaadeen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Maanta gudaha Soomaaliya saddex doodood ayaa ka socota , oo aad loo hadal hayaa.

Doodda kowaad, waxa wata beesha Isaaq oo ah in Waqooyiga Soomaaliya iyaga wax laga waydiiyo ayna ma’suul ka yihiin beelaha Hart ee dega Waqooyiga Soomaaliya.

Dooddan waa lagu kala baxay, waxaana ku guulaystay beesha Isaaq shirkii Jabuuti ee dhowaan la qabtay oo ay Markhaanti ka ahayeen inta badan madaxda dawladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Bulshada Caalamka.

Doodda labaad ee ka socota Soomaaliya waa maqaamka Muqdisho iyo sadbursi siyaasadeed ee beesha Hawiye ku raadinayaan inay Baarlamaanka Soomaaliya kaga helaan Kuraas kale.

Magaaladan Muqdisho ee maanta Maqaamka loo raadinayo ayaa horay loogu xasuuqay Isir nacayb boqolaal kun oo Qof oo Soomaaliyeed , kumaakun kale lagu barakiciyey ilaa haddana kuwa kale hantidooda xoog lagu haystaa. Sodonkii sano ina soo dhaafay ma jirin la xisaabtan iyo hal qof loo qabtay ama loo xiray denbiyadan ka baxsanaa Bani aadanimada sida xasuuq wadareed, kufsi, bililiqaysi aan ka ahayn kuwii falka sameeyey qaarkood inay maanta iyagu isu arkaan inay guulaysteen 1991 oo waxay rabaan khasabku tahay beesha Daarood inay u yeelaan

Doodda ugu danbaysa waxa wata beesha Daarood, Waana dood ay u arkaan beelaha Isaaq iyo Hawiye inay tahay dood daciif ah . Doodda Beesha Daarood ayaa ku salaysan Dimoqraadiyad iyo doorasho dalka ka dhacda, dawlad wanaag, iyo saami qaybi caddalad ku dhisan. Maanta intaas midna Soomaalida kale diyaar uma ah, waxay ugu badsisaa sida ay hadda Soomaaliya ku jirto . Horay waxay u ogolaadeen in beesha Ciise oo xaafad ku taal Saylac ka degan waqooyiga Soomaaliya ay ka Xildhibaano badan yihiin bulshada degan gobolka Sanaag

Ugu danbayntii USC iyo SNM kuma guulaysan dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, ee xasuuq iyo barakicin ayeey ku sameeyeen Daaroodkii la deganaa oo qura, in maanta loogu abaal gudo xasuuqii ay ka gaysteen Waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya oo ay ku helaan sadbursi siyaasadeed waxay gef ku tahay bqolal kun oo qof oo xaq daro lagu dilay ama lagu kufsaday oo haba yaraatee sharciga la samayn kuwii fal danbiyeedka u gaystay. Waxay kaloo dhiiro gelinaysaa inay USC iyo SNM xasuuq kale gaystaan. Kursi kasta oo maqaamka Muqdisho waxa lagu helay waa dhiig horay loo daadiyey, haddaad raali ka noqoto maanta waxa Soomaaliya ka socda ee nacaybka ku salaysan , Bal is waydii berito waxa ku xigi doona.

General views of Hasansham IDP camp
Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 10)

  1. Hobyo man says:

    Waqtigaas hadaad soo celisid yaa kaaga futoxun sidaadii baad xeryihii Kenya bacaha ku xaariye u ducee hawiye iyo isaaq ku soo celiyay mr dhiidhaa ku dheh irirsamaale yes sir

  2. DALMAR says:

    Weli USC & snm dagaalkii xaqdarada ahaa bay ku jiraan iyo jidkii Daalimnimada, waxay Ila tahay in la joogo waqtigii DAAROOD WEYNE la qaadan lahaa Wadadaas ay doorteen oo si fiican CAGTA loo marin lahaa 2021 bog cusub oo kii 1991 ay masaakiinta shacabka ah ku gumaadeen loogu Aar gudayo loogu dhigi lahaa. DAAROOD WEYNE si soomaalidu SAAXIGA u keento waa in Dhaqdhaqaaqa KALABAX u ku dhawaaqaa oo Dalka laga sifeeyaa mooryaanta iyo jirida💪🦁🇸🇴🇸🇴🇸🇴

  3. ABC says:

    Khiyaali news.

    Daarood baa maanta doonaaya dowlad dimuqraadi ah iyo dowlad DAACAD ah oo wanaagsan..
    Ninba waa markiisee mus makula kortey.

    Adaa lagaa bartey.

  4. A.jabril says:

    Maxaa Daarood kaa galay adiga, adiga waxaad tahay la hsyste. Waxba ku soo kordhin maysid Daarood adigu ee halkaa ka barooro ” nin la leeyahay wax ma yeelan karaa”.

    • DALMAR says:

      Weli USC & snm dagaalkii xaqdarada ahaa bay ku jiraan iyo jidkii Daalimnimada, waxay Ila tahay in la joogo waqtigii DAAROOD WEYNE la qaadan lahaa Wadadaas ay doorteen oo si fiican CAGTA loo marin lahaa 2021 bog cusub oo kii 1991 ay masaakiinta shacabka ah ku gumaadeen loogu Aar gudayo loogu dhigi lahaa. DAAROOD WEYNE si soomaalidu SAAXIGA u keento waa in Dhaqdhaqaaqa KALABAX uu ku dhawaaqaa oo Dalka MOORYAANTA iyo JIRIDA laga sifeeyaa💪🦁🇸🇴🇸🇴🇸🇴

  5. Hassan says:

    Waa la soo Dhaafay Xiligii kala Guurka, oo Waxa la soo Gaadhay Xiligii kala Gurashada.
    —————————————-

    Wallaahi sidaa xun ee aad u xisaabtamyso in aanay ku jirin maskaxda qorshaha siyaasiyiinta, waxgaradka iyo guud ahaan shacabk beelaha Isaaq iyo waliba beelaha Hartiga woqooyi intooda ogol midnimada Somaliland iyo in aynu isku taariikh iyo masiir nahay. Sidaa awgeed, hadii aad leedahay hadaan wax kala gartay shaydaanka iska naara, dhanka siyaasadda ka soo hadha Majeerteenka oo ummadda faraha badan ee Somaliland ee cadkiina idiin ogol la noolaada waayo, waxa la soo dhaafay xiligii kala guurka oo waxa la joogaa xiligii kala gurashada jamhuuriyadda Somaliland iyo Fadaraalka Soomaaliya.

  6. LAFARUUGAAWI says:

    EASY TO EASY
    KASTUUMO WEB
    I AM HAVING THAT PROBLEM VIDEO :
    AND THIT IT IS
    JUST CLICK ON
    DAAROOD SAWAABANE

    @ DAGAAL DAAROOD HAWIYE.COM




script>
Deg Deg Daawo:Oromadii Xamar Daganeed oo Dalbatay in Lasiiyo Meeqaam,
- Jul 5, 2020
Qowmiyadda Oromada ah ee ku nool magaaladda Muqdisho ayaa dalbaday in ay xaquuqdooda Matalaad ...
Daawo:Qosolka Reer Hargaysa Oo Habaar Aan Hore Loo Maqal Ku Habaaray Farmaajo Markii Qaadka La Joojiyay,
- Jul 4, 2020

DAAWO:;Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Ka Wadahadlay Xidhiidhka Taiwan. iyo Somaliland,
- Jul 4, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho ayaa ka shiray xidhiidhkii dhawaan ay ...
Daawo:::Qaadwalle Yaashi Somaliland” Farmaajo Noo Fasax Qaadka Muuse waa Badhasaabe”
- Jul 4, 2020

Daawo:Sahro Halgan Oo Tidhi””Dhagax Ha Lagu Dilo Qofka Calanka Somalia Ku Dhex Xidha Somaliland”
- Jul 4, 2020
Hargaysa{ Khaatumonews }Fanaanada Sahra Halgan oo kamid ah fanaaniinta Beesha SNM oo la hadashay ...