600 Deg Deg Daawo:War Murtiyeed ka soo baxay golaha Badbaada SSC | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo:War Murtiyeed ka soo baxay golaha Badbaada SSC

Golaha Badbaado SSC Ayaa soo saaray War Murtiyeed Looga Hadlaayo xaalada Siyasadeed ee Deegaanka Khaatuno.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

War Murtiyeedka ayaa Meello kala duwan baaqyo loogu diray sida Dawlada Fadaraalka soomaaliya maamulka Hargaysa Mamaulada kale dalka Beesha Caalamka Shacabka Khaatumo,

War Murtiyeed


Munaasibadan ama shirkan waxaan u qabanay inaan ku soo gudbino war murtiyeed ka soo

baxay gole ay ku midoobeen waxgaradka gobolada SSC oo Soomaaliya oo kala jooga


dalka gudihiisa iyo debediisaba. Golahan magaciisa waaxaa la yiraahdaa Golaha

Badbaadaba Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana aasaasay waxgarad ka kooban
odayaal, aqoonyahan, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo dhamaan qaybaha bulshada SSC.


Ujeedooyinka Golaha Badbaadada SSC loo aasaasay waa ka mid ah;

 In shacabka gobolada SSC ay helaan nabad iyo xasilooni cadaadal ku dhisan,


lagana hortago colaadaha soo noqnoqday ee maamulka Somaliland dhex dhigay qaybo ka mid ah beelaha iyo deegaanada SSC.


 In deegaanada SSC laga saaro ciidamada gooni-u-goosadka Soomaaliland ee ku soo duulay gobolda SSC, iyadoo la xaqiijinayo inaan dadka iyo gobolada SSC loo adeegsan kala goynta iyo kala qaybinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.


 In si buuxda looga hortago dhulboobka, barakicinta iyo xasuuqa gooni-u-goosadka Somaliland ku hayaan dadka iyo gobolada SSC.


 In dadka ku dhaqan gobolada SSC ay buuxda uga qayb galaan nimaadka
federaaliga ah ee Soomaaliya, ayna helaan xaqa ay u leeyihiin aaya-ka-tashigooda iyo inay iyagu ismaamulaan.


 In Laga badbaadiyo dadka SSC dib-u-dhaca nololeed ee ka dhashay maamul la’aanta iyo weerarka joogtada ah ee gooni-u-goosadka Somaliland ku hayaan dadka iyo gobolada SSC.’


 In kor loo qaado, tayada iyo tirada adeegyada bulshada, lana xaqiijiyo inaan cidina hor hor istaagi karin mashaariicda bini’aadnimo, horumarinta iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga xorta ah. Hadaba, si loo gaadho hadafyada kor ku xusan; Golaha Badbaadaba SSC wuxuu ku baaqayaa, kana hawl geli doonaa;


 Waa in la miydeeyo ciidamada SSC si ay gobolada SSC uga xoreeyaan gooni-ugoosadka Somaliland ee ku soo duulay. Waana in dib loo dhisho maamulkii dadka SSC lahaayeen ee Khaatumo, si loo xoojiyo nabada SSC iyo midnimada Soomaaliya.


 Waxaan ugu baaqaynaa waxgaradka iyo hogaamiyeyaasha beelaha gobolad waqooyiga Soomaaliya ee midnimo doonka ah isugu yimaadaan wadatashi si ay uga tashadaan aayahooda.

 Maamulka Somaliland waxaan ugu baaqaynaa inay kala baxaan ciidamadooda gobolada SSC si loo xaqiijiyo nabad ku wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed.


 Waa in dadka SSC si toos ah oo firfircoon uga qayb galaan wadahadalada dib u dhiska qaranimada Soomaaliya, aysana jirin cid ku meleti karta wadahadalada u dhexeeya Dawlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.


 Dawlada Federaalka ee Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay aqoonsato xaqa dadka SSC u leeyihiin inay aayhahooda ka tashadaan, ulana dhaqanto si la mid ah beelaha iyo gobolada kale ee dalka. Dawlada Federaala Soomaaliya waa ina nabada iyo midnimada Soomaaliya ku raadiso habka ay ku samaysmeen maamul goboleedyada Soomaaliya oo ah inay israacaan dadka iyo gobolada is ogol.


 Dawlada Federaalka ee Soomaaliya waxaan xusuusinaynaa, sida ay cadeeyeen madax dhaqameedka iyo dhamaan bulshada SSC in Somaliland aysan meteli karin dadka waqooyiga Soomaaliya degan oo dhan, metelaadaasi sharci ahaan sax ma aha maadaama dadka SSC ay si cad u xaqiijiyeen inaysan waxna ka dhisan, kana mid ahayn, kana mid noqon doonin maamulka Somaliland. Hadii la siiyo maamulkaas
metelaad aysan xaq u lahayn, taasi waxayna sii xoojinaysaa rabitaanka gogooni-ugoosashada waxayna fogeynaysaa rajada midnimada umadda Soomaaliyeed.


 Dawlada Federaalka ee Soomaaliya, qaramada midoobay iyo dhamaan beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay xaqiijiyaan in dadka SSC ay helaanmashaariicda bini’aadminimo iyo kuwa horumarinta si toos ah. iyadoo aan la siyaasadayn cidina hor istaagin.


 Maamul Gobeleedya iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayna inay nagu taageeraan xaqa dadka SSC u leeyihiin inay nabad helaan iyo inayaayahooda ka tashadaan, sida gobolada kale ee dalka.


 Waxaan u cadaynaynaa wadamadii hormuudka ka ahaa dhexdhexaadintawadahadalada Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland in maamulka Somaliland marna meteli karin dadka SSC maadaama aysan waxba ka dhisan, kana mid ahayn maamulkaas sida ay in badan cadeeyeen madax dhaqameedka iyo bulshada SSC. Soomaaliya waa 18 gobol oo siman, mana jiro gobol masuul ka ah gobol kale. Somaliland weerar iyo colaad joogto ah ayey ku
haysaa gobolada SSC mana aha in lagu abaal mariyo taas, halkii lagala xisaabtami
lahaa.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 10)

  1. DUBAD DARWISH says:

    WAXKALE OO AY MAQLAYAAN MA LE AAN KA AHYN IN XOOG SSC LAGU KICIYO GUNTA GUNTU DHASHAY IDOOR WAGAASHLEBIYO KUFRIGA ,,WAA BALAN IN DHULBAHANTE DAWLAD U GAARA YEESHO

  2. Madaxbuur says:

    Nac Nac Nac nacnac Nac Nac Nac Nac nac😂😂😂😂😂😅😅😅😅😅😅

  3. Binary Operation says:

    Role ka ay ssc leedahay wadahadalka beesha caalamku Ku dhex dhexaadinayso Somaliland Iyo Somalia waa uun shaashadahaas un inaad ka daawataan oo la idinku dhaqo wixii kasoo baxa uun. Kkkkkk

    Gabadh la Mehersaday inay tahay kasoo qaad oo meherkii iyo gabaatigii loo sii qaadayo! 😂😂😂😂

    • BERBERAAWI says:

      KKKKJKJIKJIKJI
      PINARY
      ABTIYAASHAY CAYDA KA JOOJI
      WAY YAR DAYAYSAN YIHIIINE OO DIINTA QABIILKOODAAA MADAX MARTAYOO CUDUR IIDDOOR LA YIDHAAHDO AYAA KU DHACAYE OO WAY SIRASIRQAYSAN YIHIIINE.
      I’M MEAN THEY HAVE SYNDROME.

      @ INA GACAYTE hees.com

      • Binary Operation says:

        Berberaawi

        aar sxb nimanka waan ka xaraabadaysa group yadoodaan ku jira xaga face book ga! kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

        way ka qoslinayaan! kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk,

        xooga irbadii qaadka ku yaraado haloo yara kordhiyo! kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

        • Hobyo man says:

          Dubad darwiish

          Reerku ciilkay idin badeen weynaa hada ogow dhulmahante was askarta iidoorkaad sheegayside horta calibeesteenka midee ha u barooran siddii habargoblana axyaa irir waqooyi

  4. Binary Operation says:

    Kasoo qaad qoraal nin daalan oo tacbaan ah qoray oo waliba quus u dheer tahay! 😂😂😂😂

    Ssc waayo, yaa yaqaana xageebay ka jirta! 😂😂😂😂

    Aar Iska seexo mu kalif yahow lasoo kalifay! Kkkkkkkkkkkk

  5. LAFARUUGAAWI says:

    KKKKJKJIKJIKJI

    WHAT IS THE MEANING
    SSC?!.
    ARE THEY OROMO?!.
    I’M KNOWS WHAT ARE

    THEY ARE :
    JUST CLICK ON

    @ ZULU.com
    @

  6. Hobyo man says:

    Calibeesteen warkii iga dheh meesha caalamka ku lahaaa meesha caalamku umad meelbay ugu soo hagaagtaa tuuladani meeshay ka tirsan tahay iska diwaan galiya has cawaan

  7. KHAAHIYE says:

    SHIBIR YAHOW HEESA SEE WANAAGSAN HEES KU HEES WEYE WAXA MEESHA LUGU SOO QOREY




script>
Deg Deg Daawo:Oromadii Xamar Daganeed oo Dalbatay in Lasiiyo Meeqaam,
- Jul 5, 2020
Qowmiyadda Oromada ah ee ku nool magaaladda Muqdisho ayaa dalbaday in ay xaquuqdooda Matalaad ...
Daawo:Qosolka Reer Hargaysa Oo Habaar Aan Hore Loo Maqal Ku Habaaray Farmaajo Markii Qaadka La Joojiyay,
- Jul 4, 2020

DAAWO:;Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Ka Wadahadlay Xidhiidhka Taiwan. iyo Somaliland,
- Jul 4, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho ayaa ka shiray xidhiidhkii dhawaan ay ...
Daawo:::Qaadwalle Yaashi Somaliland” Farmaajo Noo Fasax Qaadka Muuse waa Badhasaabe”
- Jul 4, 2020

Daawo:Sahro Halgan Oo Tidhi””Dhagax Ha Lagu Dilo Qofka Calanka Somalia Ku Dhex Xidha Somaliland”
- Jul 4, 2020
Hargaysa{ Khaatumonews }Fanaanada Sahra Halgan oo kamid ah fanaaniinta Beesha SNM oo la hadashay ...