600 Layaabka 26 Juun Dhulbahantaha Qaar iyo Isaaq | khaatumo news online
dahabshiil

Layaabka 26 Juun Dhulbahantaha Qaar iyo Isaaq

‘Hunguri waa meel sokee Hilbo iyo Sharaf Waa Midkee?Han iyo Shilin Kee Rabta?’

26 juun 1960 markii ay saacaddu ahayd 12 Habeenimo Gobolada Waqooyi ee soomaaliya, waxay xoriyadda ka qaaten isticmaarkii Ingiriiska waxaana Hargaysa, oo ahayd Caasimada Gobolada Waqooyi laga taagay calanka Soomaaliya ee Buluuga Ahaa,

Maanta oo laga joogo 26 juun 60 sano waxaa Gobolada Waqooyi gaar ahaan Inta maamulka Isaaq gacanta ku hayo Ka dhacay Xuskii 26 juun oo leh Waji kale!

Burburkii soomaaliya kadib beesha isaaq waxay isku dayen arrin fashil weyn sababtay oo ah inay ka been sheegan Xoriyaddii 26 juun.

Beesha isaaq, iyagoo ka been sheegaya 26 juun islamarkaana taariikhdii caalamku kawada ahaa markhaatiga ka been sheegay ayay Sudhen Hargaysa. Calan ay Sameeyen 1991 iyagoo meesha ka saaray Calankii la sameeyay 1960.

Isaaq, inay ka been sheegan 26 juun iyo Calanka soomaliya waxaa uga wacned inay iska daayan xuska 26 juun ama ay ka dhigtan 28 juun oo dee nin badalay calankii 1960 waxba lama aha inu ka dhigto 28 juun halkay ka ahayd 26 juun.

Garanay isaaqa qar iska xoornimadooda laakiin waxaan garan waayay dhulbahantaha lahaysto ee laascaanood ku xusay 26 juun waxa dhibay.

Ninka dhulbahante Waxaa uu ahaa ninkii Dhaliyay 26 juun ee Dagaalka kula jiray Ingiriiskii laga qaatay Xoriyadda 26 juun seebay suuro Gal u tahay in maanta nin Darwiish ah uu ka been sheego 26 Juun.

Isaaq haday ka been sheegan iyo hadii kalaba 26 juun kolay halgankii Daraawiish-ta iyo Xoriyadii Gobolada waqooyi wax Manfac ah kama galin ee waxay ahaayen Daba dhilifyadii iyo Basaasiintii Ingiriiska la shaqeeysan jiray.

Wiilka dhulbahante ee laascaanood ku dhigaya 26 juun ee calanka isaaq ka taagaya 12 Habeenimo Laascaanood, hadana ku sheegaya 26 juun maxaa in kaar iyo waji xumo haysata aan cidi la qabin.

Nin Awoowayaashi Maal iyo Nafba U Huren Xoriyadda 26 juun iyo Nin Awoowayaashi Ahaayen Basaasiinta Ingiriiska miyaa maanta lagu wada fadhiisin kara miis ay saaran tahay maro yar oo reer Samaystay 1991,

Dhulbahante Maaha in meel walba ay ka gasho Dulinimadu maaha hadii dhulkaagi Hunguri aawadiis aad isaaq ugu wareejisay in aad Taariikhdii aad Lahayd ku wareejiso Kuwo ka been sheegaya.

‘Hadhuubka La Heemiyow Cidii Hanbada Lahayd Orod Huubaha u Gee’

WQ Cartan Darwiish

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 15)

  1. Hobyo man says:

    Asc horta Macno masameynaayo callan la badalaa oo aduunku waa badalaa ku Sherman maayo. Waxyar la iraahdo dhulbahante wuxuu dhahaa xornimada anagaa keenay daraawiish horta sayidku dhulmahante ma ahayn cidwalbaana way ku jirtay kasoo qaad dhulmahante ahay Shaheen sayidkii waxuu jabay 1921 xoriyaduna waxay timid 1960 39 u dhaxaysee dhulmahantow nin magac leh oo dhulmahante ah oo xornimo u dirir ahaa Ismail mire oo shaqale u ahaa sayid ka mooyee oo magac leh sheega side sh Bashir sh Hasan barsame cawaan

  2. Xagarciideed says:

    Taariikhdii Somalida meel xun baa koox yari ku wadaa. Maxaan cunaa, horaa loo sheegay “nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday”.

    Boorame, Hargeysa, Burco, Laascaanood, Ceerigaabo, waxa ingiriis magaalooyin degmooyin ah ka wada dhigay 1921kii, yacnii daraawiish jabkii. Isku xuquuqna way wada ahaayeen. Magaalada Berbera, waxay bedeshay Saylac qarnigii 17naad, sababtoo ah waxa buurta ka sarraysa laga dhisay shuuradii Somaliyeed xarun laga maamulo (Magaaladashiikh), oo dhambaalada iyo dagaal gelinta jihaadka laga amro/faro iyo wixii xukun ah + sakooyinkana la isugu keeno oo loo gudbiyo caalamal Islamka baahan. Ingiriis Berbera wuxuu ka dhigay curyaan/jiis, waxa ku taalay dekad keliya, badhasaabkiisiina wuxuu fadhiistay Hargeysa, oo uu ka helay hawo macaan. Joogistiisii, waxay keentay inuu ka maamulo magaalooyinkii kale degmooyinka ahaa, oo ay u noqoto xaruntii badhasaabku isku aaminayey.

    Taariikh la wada kufsanayo baa ka socota waqooyi iyo koonfur. Kuwii ka shaqayn jirey Somali burburinteed baa maanta taariikh samaysanaya beena, oo wanaagyadii ay Somalidii kale samaysay sheeganaya. Seyidkii markuu la dagaalamayey gaalada, wuxuu u dagaalamayey diin iyo Somalinimo, dadkii raacayna waxay ku raaceen Somalinimo. Ingiriis wuxuu waqooyi haystay 39 sanadood, koonfurna Talyaani wuxuu haystey 21 sanadood, marka lagu daro 8 sandood oo ingiriis haystay iyo 10 sanadood oo UNtu daakhiligii loogu dhiibay 1950kii, ogow dalka UNta ayaa ka masuul ahayd, Talyaanigu wuxuu meesha u jooggay maamul barid. Isku soo wada duuboo waqooyi iyo koonfur waa min 39 sanadood inta Somali la gumaystay, 60 sanadoodna waa xor.

    Muuse iyo Adna iyo Boobe waxay fidinayaan, waa taariikh kufsad been fidin ah, oo la kala siinayo dalkii Somalia Ingiriis iyo Talyaani. Dalkeenana, 1942kii ilaa 1950 waxa isku wada qabsaday ama isku wada haystay Ingiriis. Haddii Somaliya inay siyaasiyan ahaato meel deggan, haloo buuxiyo arjiga barwaaqasooranka, waxay buuxisay shuruudahii (Commonwealth). Taariikhdooda baadh oo ogow Talyaani, Jarmal, Japan waxay ku jireen raaciyada USA, Ingiriis, oo waxa dagaalkii kaga adkaaday (allies powers-kii, oo USA iyo UK ay hogaaminayeen), ilaa haddana waa loo yeedhiyaa/meeriyaa waxay samaynayaan.

    • Xagarciideed says:

      39 sanadood, waa intuu dadka soo dhex galay ee uu amray. 21 sanadood ee ka horeeysey Somalidii waxay kula jirtey dagaal, yacnii laga soo bilaabo 1900kii. 10kii sanadood ee ka horeyeyna wuxuu ku ekaa Berbera iyo xeebaheeda oo uu ku jooggay heshiis ay qabiiladu la galeen ee ilaalinta ahaa. Talyaaniguna isna wuxuu ku ekaa Xamar iyo Marka, oo uu wakiilkii Siciid Barqash ka iibsaday, isna wuxuu ku dhiiraday 1921kii inuu xoog ku muquuniyo.

  3. AADAN WARIS says:

    May waa dharaartaan qaranimo ku dhaatee
    Dhidbayeen Adkeeyee gobanimo ku dhaashaday

    May waa Dharaartaan dhaliyaro iyo Waayeel dhamacda u badheedhee
    Dhagxumadiyo ceebtiyo ka dhiidhiyey xumaantee allow yaaney dheeliyin

    May waa dharaartaan soo dhacsaday dalkaygii
    Hororkii iyo durwaayadii ka dhaqaaji lagu yidhi

    Inta dhaawac jiiftiyo inta iilka loo dhigay

    Intaan dhimanee nool dhaxalkoodii weeyaan

  4. A k a muuse says:

    dhulbahante waa somaliland nin waliba hayskahalee
    Hadaan inyar idiin bayaamiyo
    Laandheeraha dhulbahante runta wuu ogyahay laangaabna
    Ciil alleh baday inta uu dhimanayo marhaday sadax farax somaliland raaceen inta kale meeshay doonayaan ha aadaan kkkkkkkk
    Reer faarax deer
    Farax hagar
    Faarax cali
    Waa koore
    Waa yaasiin xiir
    Waa qambi
    Laangaab looma baahna

  5. Dhab kahadal says:

    Waxaan in badan inigoo Dhulbahante ah ku celceliyey 1921 ilaa 1960 intaa u dhaxaysa hadaad qoraaga webkan hayso meel labo nin oo Dhulbahante ah isugu timi oo Dagaal af iyo adin ah ay qaaday hayso soo qor taariikhdu isma qarisee. Ingriis lagulama dagaalamin Xabad Sayidkii ka dib waxaa lagula gdagaalamay waa qalin iyo Fan ama heeso Percentage Dhulbahante ku lee yahay iyana kusoo dar Hadaba Taariikhda Dhulnahante aan kuu sheegee waa intii Sayidku dagaalamayey oo aan dhulbahante haba u batee aanu gaar ku ahayn fadlan iska hubi Taariikhda aynaan lahayn heesaha hadda gobanimadoonka ee la dhagaysto ee dib loo sooro codadkooda waa kuwii ingriis lagula dagaalamay takale BBC ayaa dusha u ridatay Taariikhda iyo cida iska lahayd lasoco

  6. Yusuf says:

    Waar Isaaq iyo Hartiga woqooyi, waa dad walaala ah oo isku dal iyo dawlad ah ee bahalyay xnuusanaysaa dadka heshiiyay ee ka caafimaadaya qabyaaladda iyo qudhunka kaa buuxa kala dhex bax ibtilada in aad isku dirto. Xorriyadanana waxa wada dhaliyay Isaaq, Hartiga worqooyiga iyo samaroon laakiin waayo, sida la wada ogyhay waxa daraawiisha la jabiyay oo laga adkaaday 1921 xorriyada waxaynu wada dhalinay lixdankii caasimadii lagu dejiyay calankii Ingiriiskuna waxay ahayd HARGAYSA.

  7. Yusuf says:

    Hadalkaa aan soo qoray ee runta si waansan u fan si aad u ogaato maradan buluugga ah ee kula wayn.
    1. Markii uugu horeysay waxa maradan cirka u eg ee dhexda ku leh xidigta shanta gees leh hidisay oo lahaa koox marykan ah oo shaydaanka caabudda.
    2. Marka labaad astaantan waxa samaystay oo lahaa xusbigii Soomaaliya ee SYL mana khuseeyo Somaliland.
    3. Marka wadan la siiyo xorriyad sidii Somaliland asalku waa xorriyadda laakiin calanka waxa noqda astaanta xusbiga guusha hela sidii SNL oo kale, sidaa awgeed, waxay ahayd in calanku ka koobnaado astaantii guusha Somaliland ee SNL iyo tii Soomaaliya SYL taas oo aan la yeelin.
    4. Ummadda Somaliland waxay dunidu ku baratay calanka toowxiidka oo waanuu sudhnaanayaa inta ay dunidu jirto waligiina hoos tagi maayo marada ay lahaan jireen kooxda shaydaanka caabudda ee Maryakanku.

  8. Axmed cige says:

    Waar coriyada daraawiish ayaa dhiig u daadisay we yaan la duudsiyin. Maantana waa in lagu daraa xuska xoriyada cidii u halgantay iyo dhulbahante

  9. gantaal says:

    waa nasiib daro in reer dhan xaasid iyo xaar walwaal wada noqdo walee waa yaab waar maanu nin xakiimi idinku jirin oo runta idin sheega waar isaaq libidh oo guulaysay Ilaahay baa karameyay marka hora loo yidhi gacantaad goyn kari waydid dhunko Allah Kareem

  10. Ali says:

    War waa khayr,Anigu Cabsida aan qabey waxey ahayd in Nimankii Reer Buuhoodle Ee Gacantafududaa Majalafada laboodaan yiraahdaan

    Waa maalintii Qashinka.

  11. LAFARUUGAAWI says:

    KUWAN
    WAREERSAN EE
    KASTUUMO WEB SITE
    NACAYBKA KU SOO MALMALUUQAA
    CAADI MABA AHA’E

    TALOW
    WAA QOLAMA?!.
    ILLAYN DHULOOS IYO IIDDOOR ALLAH IS BADAYE
    @ SOMALILAND CAMEL COROPS.COM

  12. Warqabe says:

    Daraawiish waxay jabtay 1921 kii, gumaystihii ingriiskuna wuxu guuray oo xoriyadii siiyay Goboladii waqooyi 1960 kii.

    Xisaabso inta udhaxaysa intaadaan been & baroonbagaando lagugu canqariyay noola imanayso. Daraawiish baa xoriyad keentay waa uun maaweelo iyo sheeko caruureed.

  13. Axmed warya says:

    Ilaa yoom diin isaaq dee isaaq da uun gura.

    • A k a muuse says:

      dhulbahante waa somaliland nin waliba hayskahalee
      Hadaan inyar idiin bayaamiyo
      Laandheeraha dhulbahante runta wuu ogyahay laangaabna
      Ciil alleh baday inta uu dhimanayo marhaday sadax farax somaliland raaceen inta kale meeshay doonayaan ha aadaan kkkkkkkk
      Reer faarax deer
      Farax hagar
      Faarax cali
      Waa koore
      Waa yaasiin xiir
      Waa qambi
      Laangaab looma baahna




script>
Deg Deg Daawo:Oromadii Xamar Daganeed oo Dalbatay in Lasiiyo Meeqaam,
- Jul 5, 2020
Qowmiyadda Oromada ah ee ku nool magaaladda Muqdisho ayaa dalbaday in ay xaquuqdooda Matalaad ...
Daawo:Qosolka Reer Hargaysa Oo Habaar Aan Hore Loo Maqal Ku Habaaray Farmaajo Markii Qaadka La Joojiyay,
- Jul 4, 2020

DAAWO:;Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Ka Wadahadlay Xidhiidhka Taiwan. iyo Somaliland,
- Jul 4, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho ayaa ka shiray xidhiidhkii dhawaan ay ...
Daawo:::Qaadwalle Yaashi Somaliland” Farmaajo Noo Fasax Qaadka Muuse waa Badhasaabe”
- Jul 4, 2020

Daawo:Sahro Halgan Oo Tidhi””Dhagax Ha Lagu Dilo Qofka Calanka Somalia Ku Dhex Xidha Somaliland”
- Jul 4, 2020
Hargaysa{ Khaatumonews }Fanaanada Sahra Halgan oo kamid ah fanaaniinta Beesha SNM oo la hadashay ...