600 Deni Oo Madaxtooyadda Puntland Ee Gaalkacayo Ku Qaabilay Qoor Qoor, | khaatumo news online
dahabshiil

Deni Oo Madaxtooyadda Puntland Ee Gaalkacayo Ku Qaabilay Qoor Qoor,

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa maanta kulankii u horreeyay ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Kulanka labada dhinac uu yahay Shir iskaashi oo u dhexeeya Puntland iyo Galmudug, kaasi oo looga hadlayo arrimaha labad maamul.

Shirka waxaa ka qayb-galaya xubno ka socda Goleyaasha Puntland iyo Galmudug, Xildhibaano Aqalka Sare ah iyo La taliyeyaal, waxaa looga hadlaya Arrimaha Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, Nabadda iyo dhaqaalaha.

“Shirka oo ay ka qeybgalayaan Xubno ka socda Goleyaasha Dowladda ee Puntland iyo Galmudug, Xildhibaano Aqalka Sare ah iyo La taliyeyaal, waxaa looga hadlay kulanka Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, nabadda iyo dhaqaalaha” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland oo shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo, ayaa tan iyo xalay kulamo kala duwan la qaadanayay Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa, in uu dhowaan magacaabo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug, kadib markii Guddoomiyihii hore qarax lagu dilay bishii tagtay ee May.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo:Oromadii Xamar Daganeed oo Dalbatay in Lasiiyo Meeqaam,
- Jul 5, 2020
Qowmiyadda Oromada ah ee ku nool magaaladda Muqdisho ayaa dalbaday in ay xaquuqdooda Matalaad ...
Daawo:Qosolka Reer Hargaysa Oo Habaar Aan Hore Loo Maqal Ku Habaaray Farmaajo Markii Qaadka La Joojiyay,
- Jul 4, 2020

DAAWO:;Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Ka Wadahadlay Xidhiidhka Taiwan. iyo Somaliland,
- Jul 4, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho ayaa ka shiray xidhiidhkii dhawaan ay ...
Daawo:::Qaadwalle Yaashi Somaliland” Farmaajo Noo Fasax Qaadka Muuse waa Badhasaabe”
- Jul 4, 2020

Daawo:Sahro Halgan Oo Tidhi””Dhagax Ha Lagu Dilo Qofka Calanka Somalia Ku Dhex Xidha Somaliland”
- Jul 4, 2020
Hargaysa{ Khaatumonews }Fanaanada Sahra Halgan oo kamid ah fanaaniinta Beesha SNM oo la hadashay ...