600 Somaliland Oo Durba Bilowday Dhaqan Galinta Heshiiskii Addis Ababa Ee Farmaajo, Abiy Axmed, iyo Muuse Biixi Wada Galen, | khaatumo news online
dahabshiil

Somaliland Oo Durba Bilowday Dhaqan Galinta Heshiiskii Addis Ababa Ee Farmaajo, Abiy Axmed, iyo Muuse Biixi Wada Galen,

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Horjoogaha Maamul beeledka Somalialnd Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ku kulmay magaalada Addis Ababa, ee caasimadda waddanka Itoobiya.

Shir Albaabadu u xidhan yahay balse nuxurkii inta badan khaatumonews haysay ayay ku galen Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya, Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaaraha Itoobiya iyo Hogjooge Muuse Biixi Markay Taariikhdu ahayd 12 Febraayo 2020 .

Shirkan oo Nuxurkiisa ugu weyn ahaa Mid sadex Geesood ah oo itoobiya ka danbaysay ayaa lagu dajiyay qorshayaal kala duwan oo dhagaraysan

Itoobiya, waxay soo dhigtay Miiska in Xuduudka ay la leedahay Somaliland ay ka Abuurantay Alshabaab, islamarkaana loo baahan yahay deegaano badan oo aan gacanta ugu jirin somaliland, in loo gacan galiyo oo laga taageero in Guud ahaan dhulkaasi Gacanta loo galiyo Somaliland waliba ay dhaqaale isugu daran Xukumada Farmaajo iyo Itoobiya,

Xukumadda Farmaajo, oo gacanta ugu weyn ee ay ku taagan tahay ka hesha Itoobiya, ayaa lagu qanciyay in Somaliland, loo gacan galiyo Sanaag gaar ahaan Dhulka warsangali iyo Gobolka Cayn.

Waxa Xasuus mudan in sidan oo kale Xukumadii Cabdilaahi yuusuf Loogu qanciyay 2007 in ay Ka baxdo sool oo loo gacan galiyo Somaliland, iyado lagu eedeeyay xiliga Gobolka sool in uu yahay Jidka kaliye Jabhadii ONLF u furan.

Raysal wasaaraha Itoobiya, ayaa si uu ugu qanciyo Farmaajo iyo Muuse Biixi qorshiisa waxa uu soo dhigay qorshe ah in La Baabiyo Fadaraalka soomaaliya, islamarkaana waxaa u sheegay oo waliba faray Madaxwayne farmaajo in Itoobiya kala shaqayn doonto sidii Dawlada Fadaraalka soomalaiya Guud ahaan goboladii Koomfur loogu gacan galin laha loona Baabin lahaa Maamulada Fadaraalka ah.

Sidoo kale Abiy Axmed, ayaa soo dhigay Qorshe ah in Farmaajo isna kala shaqeeyo somaliland, in Goboladii waqooyi guud ahaan loo gacan galiyo Somaliland oo xukumada Farmajo ay ku bixiso Dhaqaale iyo taakullo labadaba,.

Abiy Axmed, ayaa sheegay in Farmaajo iyo Muuse Biixi looga baahan yahay in Waqooyi iyo Koonfur oo ay kala xukuman Muuse iyo Farmaajo lagu soowada fadhiisto Miiska wadahadalka kadibna la laraaco dhabadan si looga taqaluso ayuu yidhi Alshabaab iyo maamulada lidka ku ah Dawlada Somaliya,.

Beesha Isaaq, ayaa maamulka Itoobiya ka dhaadhicisay in Alshabaab ka samaysantay Buuhoodle iyo Sanaag islamarkaana ay dhawaan ku fidi doonto Itoobiya iyo somaliland hadaan laga hortagin oo dhulkaas gacanta loo galin somaliland,waana qorshe ay hore ugu caano maalen Beesha isaaq oo sool ugu gacan gashay.

Itoobiya iyo Dawlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa Qorsheeyay Dhaqaalle dhan 12 Milyan in lagu siiyo somaliland Sidiii gacanta loogu galin lahaa Caro warsangali iyo Buuhoodle, iyadoo dhaqaalaha 7 Milyan oo kamid ah Dawlada Soomaaliya Bixindoonto halka shanta kalana Itoobiya bixinaso,

Wixii ka danbeeyay Kulankii Muuse Biixi Farmaajo iyo Abiy Axmed ee Adis Ababa, Somaliland, Waxay Weerartay Laba goor Sanaag gaar ahaan Deegaanka Beesha warsangali.

Sidoo kale waxay somaliland. Dhaqdhaqaaq ka Bilowday gobolka Cayn iyadoo Ciidankeedii Degmada Oog iyo Laascaanood ku sugna Geysay Ceegaag iyo Yeyle, oo Duleedka Buuhoodle ah,

Ka hor doorashada Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorsheeyay in Maamulkii la odhan jiray puntland. Lagu soo Urursho caro Majeerten oo laga qabsado Sanaag gaar ahaan caro warsangali iyo Mudug halka Buuhoodlana la dajiyay qorshe ah in iyana Dhaqaalle iyo ciidan loo adeegsado.

Si kastaba Ha ahaate shaacbka Gobolada SSC ayaa haatan aad ugu Baraarugay Dabinka Sadex Geesoodka ah ee Loo dhigay waxaana jira dhaqdhaqaaq xoogan oo ay wado jabhada SSC Si loo fashiliyo qorshahan dhagaraysan

KHAATUMNEWS.COM

Kala Soo Xiriir Khaatumonews What’s Appka +46735769421

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Somali galbeed says:

    Bahasha SI wanaagsan uga maad shaqayn hadii deegaankaas lagu eedayn jiray ONLF, maanta onlf iyagaa kataliya deegaankoodii sabab uu heshiiskaasi usii socdaa majirto,

    ABIY isagaa tiisa u liita ilaa masar,amxaaro, OROMO,TIKREA iyo mashakil kaloo badan, cid FEDERAL baabi’in kartaana ma jirto ku seexo oo kusoo toos.

    S/galbeed guul ALLE

  2. LAFARUUGAAWI says:

    KASTUUMO
    WEB FAQASH
    BACAAAAAAAAAAAAAC
    SI FIICAN BAAD UGA LAYDISAYE CUNQAACADAADA ISKA TIRTIR .AMA MAAMUL AMA AL SHABAAB KU SHEEG QARANKA SOMALILAND EE WUU KUGU JIRAAYE CAR ISKA SAAR.

    XAYAAAAAAAAAAAAAAAAA
    AL
    JAMHUUUUUUUUUUUURYATUL
    SOOOOOOOOOOOOMAAAAAAAAALILAND
    # allaw dhawr Somaliland.com

  3. Binary Operation says:

    Calaacalka jooji oo nin Iska dhig kkkkkkk

    Ma awal baad wax ka qaban karaysay go’aanka Somaliland?

    waqooyiga laguu sheegaya waa ka axmed Somalilander ku sheegay waa isaaq Iyo wax yar oo la degan. Kkkkkk

    Farmaajo na Inuu koonfur gacanta ku dhigo waanu ku raacsanahay waliba Inuu burburiyo waxa lagu sheego puntland Iyo jubaland awal ba waxaan shar ahayn uma noolayn. Kkkkkkkkk

  4. Ahmed Somalilander says:

    Maxad ula yaabaysan dee marka aad qaran tahay sida qaranka lagula dhaqmaya Somaliland qaran weeye idinka uunba ku bararugsanyn uun mooye lkn waa qaran 30 jirsaday waqooyiga lagu sheegana waa isaq iyo inyar oo ladegan




script>
Deg Deg Daawo:Oromadii Xamar Daganeed oo Dalbatay in Lasiiyo Meeqaam,
- Jul 5, 2020
Qowmiyadda Oromada ah ee ku nool magaaladda Muqdisho ayaa dalbaday in ay xaquuqdooda Matalaad ...
Daawo:Qosolka Reer Hargaysa Oo Habaar Aan Hore Loo Maqal Ku Habaaray Farmaajo Markii Qaadka La Joojiyay,
- Jul 4, 2020

DAAWO:;Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Ka Wadahadlay Xidhiidhka Taiwan. iyo Somaliland,
- Jul 4, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho ayaa ka shiray xidhiidhkii dhawaan ay ...
Daawo:::Qaadwalle Yaashi Somaliland” Farmaajo Noo Fasax Qaadka Muuse waa Badhasaabe”
- Jul 4, 2020

Daawo:Sahro Halgan Oo Tidhi””Dhagax Ha Lagu Dilo Qofka Calanka Somalia Ku Dhex Xidha Somaliland”
- Jul 4, 2020
Hargaysa{ Khaatumonews }Fanaanada Sahra Halgan oo kamid ah fanaaniinta Beesha SNM oo la hadashay ...