Farmaajo oo xalay u calaacalay Xildhibaanada Beelaha Dir

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay la kulmay Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaan ee Beelaha Dir.

Kulankan waxa uu Farmaajo xildhibaanada ka codsaday inay taageero u muujiyaan si uu markale usoo laabto.

38, Xildhibaan ayaa soo aqbalay la kulankiisa waxaana illo xog-ogaal ahi ii xaqiijiyeen in Farmaajo, si weyn ugu calaacalay mudanayaasha wuxuuna ugu celcelinayay waan idiin hiiliyay ee markiina ii hiiliya.

Qaar kamid xildhibaanada oo hadlay ayaa u sheegay in uu cabsida iska dhaafo oo tartanka soo galo halkaasna calafkiisa ka qaado.

13 Comments