DEG DEG :

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Waxa iminka lagu diley Magaalada Hargaysa gaar ahaan Xaafadda guryaha Shaqaalaha ee ka ag dhaw , Ruux gabadh ah taas Oo sida ay noo sheegeen goob-joogayaali uu diley nin ka tirsan Ciidamada Maxkamadda snm, waxaana uu u adeegsaday dilka gabadhaasi qori.

Kedib markii uu dilka gaystay ayaa uu isku dayey in uu baxsado balse Ciidanka Deb-demiska ayaa Soo qabtay ninkaasi.

Dilkan ayaa dhacay Xilli ay gabadhu ku jirtay gudaha gaadhi ay wadatay.


Gabadha oo ah xaafadda Qudhac-dheer ayaa Soo bookhatay Xiliga dilka loo gaystay guri ay degenayd habar-yarteed.

Cabdiqaaddir Nacayb – Tire

Comments are closed.