Suldaan Maxamed Suldaan Cartan oo asteeyay Kursiga 169.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan ayaa si rasmiya u go’aamiyay in kursiga Hop 169 ee laga soo doorto degmada Dhahar laga wareejiyo jifida wasiir/xil. Jamaal Maxamed Xasan.

Suldaanka ayaa kursigaas u xiray Beesha Reer Maxamed Cumar ee beel-weynta Dubays sida ay khaatumo news u xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Kursigaas Hop#169 ayaa lagu wadaa inuu ku soo baxo nin lagu magacaabo Cali Mahdi Maxamed Qalato oo ka sharraxan Beesha sannadkan loo xiray kursiga.

Wasiir Jamaal oo hadda ku sugan Boosaaso ayaa weli dhankiisa ka hadlin go’aanka ka soo baxay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan

11 thoughts on “Waa Kuma ninka loo xidhay Kursiga wasiir Jamaal”
  1. Jamal waa wiil kibir badan waana ddka isa mahdiya markey jamcad dhameeyan ee is yidhaa cid kale wax ma baran waa wasiirada Farmaajo ku shaqeytey aniga waan nacbey qof lagu shaqeysto isaga iyo kii Haysan jirey Hawada somali eeisna lagu direy Madaxweynah Jubaland kan Jamal waxaloo adeegsadey xumeyta Somaliland iyo punland ha dhaafo siyaasada Somaliya

  2. JAMAAL WAA NIN UQALMA OO RUNTII MUDAN IN KURSIGAAN UU KU GUULAYSTO KURSI WIIL YAR OO AAN WAX BADAN OGAYN WUXUU U XALAAL YAHAY BEELAHA KALE EE PUNTLANDTA BEENTAA MIYAA? TAN KALE MA ADAA UDIIDI KARA WASIIR JAMAAL INUU U TAR TAMO BAARLAMAN TERIGA DALKA SOOMALIYA WARSAN GELI BAA LEH KURSIGA OO DUBAYS BAA LEH KURSIGA OO WUU TAR TAMAYAA OO XAQ BUU U LEEYAHAY XERO MULATERI LA GAL OO ALBAABADA SOO XIDH XIDH MA CIRKAA LAGAYN OO DHULKAA LAGALA GOW DIIDSAN WASIIR JAMAAL WAA LAMA HURAAN HADII BEESHA WAR SAN GELI COD KOODA SIIN WAA YAAN WAA DOQO NIMO IYO ASAAGOOD KA HADHE YAAL EE OGAADA

  3. Waxaan sacabka u tumaynaa in Jamaal na dhaafo, waa nin kibir iyo isla weyni iyo xanaaq buuxiyey wejigisa oo farmaajo dawlad moodaya, kana tegay tii laga soo doortay, waa kala qaybiye ma aha mideeye jamaal, adeer meeshan puntland baa la yidhaahdaa,

Comments are closed.