Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ka dhacay Dhirbaaxo siyaasadeed oo lama filaan ku noqotay Jifida cumar wacays oo Ka tirsan Galool oriye.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Beesha jaamac siyaad ayaa labo kursi oo Fadaraalka ah ka heshay Barlamaanka Cusub ee soomaaliya.
Beesha Jaamac siyaad ayaa markii hore Wax qeybsiga Maxamuud Garaad waxay saami ahaan u heshay hal kursi balse markan waxay heshay labo kursi oo mid ay ka qaaday Galool oriye gaar Ahaan Jifida yar ee Cumar wacays.
Garaadka Jifida Cumar Wacays Garaad Cabdisalaan Ayaa looga talaabsaday haadan Siyaasadeed kadib markii uu colaad siyaasadeed Ka tabcaday beelo Gobolka cayn dagan islamarkaana uu dhex ordahay arrimo aan quseen oo aanu sagu fahan saneen cawaaqib xumada ka dhalan karta taaso u ka galay beelo kamid ah Goblka cayn kuwaaso sahlay in laga shaqeeyo in dirida la raacsiiyo kursigiisa iyadoo la adeegsanaayo xukumadda Deni,
In Beeshan ay weydo kursigan islamarkaana jaamac siyaad ku soo baxo kursigan waxaa ka shaqeeyay sida xogta ku helnay siyaasiyiin sarakiil ciidan iyo wasiiro Madaxweyne Deni aad ugu dhow oo ka soo Jeeda Gobolka cayn,
Kursigi Cumar wacays ayaa haatan saas uga wareegay waxaana sida ku hantiyay Jaamac siyaad oo mataano XIldhibaan ku yeeshay Muqdisho.
Comments are closed.