Waxaa Degaano badan oo ka tirsan Gobolada Sool sanaag cayn ka Anbabaxay Ergo cuqaal odayaal aqoonyahano isugu jira kuwaaso ku wajahan caasimada Buuhoodle ee Gbolka cayn,

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Ergadan balaadhan ee ku qulqulaysa Buuhoodle ayaa ka qeyb galaysa Xaflada lagu shaacinaayo garaadka Beesha aadan Axmed ee Axmed garaad oo Buuhoodle ka socota,

Beesha Axmed Garaad gaar ahaan Aadan Axmed ayaa shirar mudo dhawr bilood ah u socday waxay ku Go aansatay inay samaysato Garaad Talada Buuhoodle gooya kadib markii Beesha Axmed Garaad mudaba taladu ka ahayd mid gacmo badan ku jiran.

Garaadka Aadan Axmed ayaa laga soo xulay Beesha Reer Hagar Farax hagar waxaana la qaatay beelaha kale Aadan Axmed.

Maalmaha inagu soo haya fooda ayaa lagu dhawaaqaya Garaadka shaacintiisa iyadoo xili Roobka lagu caano shubi doono,

Comments are closed.