DEG DEG:-Heshiis Dhexmaray Ina Kaahin iyo Maxamuud Xaashi iyo Qodobada Lagu Heshiiyay

Kulan ayaa magaaladda Hargaysa ku dhex-maray Wasiirka Arimaha Gudaha SNM ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed kaahin Axmed iyo Siyaasigga Maxamuud Xaashi

Kulanka oo ahaa mid hordhac ah ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa mid labada oday isku-saamaxayeen ,

Maxamuud ayaa la sheegay inuu balan-qaaday inuu dhisayo isla markaana la shaqaynayo Maxamed Kaahin

Siyaasiga Maxamuud ayuu warku intaa ku darayaa inuu dhawaana la kulmi-doono Muuse Biixi oo isga laftiisa aanay mudooyinkii u dambeeyay isku- fiicnayna .

Muuse Biixi ,ayaa la sheegay inuu shuruud ka dhigay in maxamuud Xaashi si uu ula kulmo uu marka hore isa soo arkaan Maxamed kaahin.

Siyaasiyiin ay isku deegaan-yihiin ayaa kulanka labada siyaasi goob-joog ka ahaa .