Garaad Cabdirashiid Waraabe Dheere oo kamid ah golaha dhaqanka dhulbahante ayaa shacabka laascaanood uga digay inay ka soo muuqdan Fagaaraha snm ugu Dabaaldagayso kala goynta Dalka iyo u mahad celinta Yuhuuda reer London.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Garaadka ayaa qoraal kulul soo dhigay Bartiisa Facebook isagoona si kulul u nacdiyay abaabulka snm laascaanood kawado.
Garaad cabdiraahiid ayaa ku bilaabay qoraalkiisa””Shacabkayga Gobolka Sool gaar ahaan laascaanood waxaan Leeyahay Hala Xejiyo Damiirka Insha Alaah.
Carraabo, fadhaa Quusiyey ee Guryaha Fadhiya
Marnaba Raali ka noqon mayno In 100 sano ka hor Ragii Awoowayaashen dalkan ka saaren ee Diin ahaan iyo Xukun ahaanba ay isku saluugen in maanta ubadkeena Loo sudho sawiradooda iyo Calankooda Laabta iyadoo la xambaarsan yahay Qadiyad Aan 100 sano ka hor diidnay.
Maaha wax la aqbali karo in Dadkayaga loogu baaqo isugu soo baxa Kala goynta dalka iyo U Sacabinta Gumaystaha cad ee aanu 100 sano ka hor isku gacan saarnay dhulkan
Weedh ayaa ahayd “. Uli way qabowdaa eray xumise ma qaboobo”
Shacabkayga waxaan leeyahay dhaawac kasta iyo dhibkasto ina soo gaadha weynu dhayankarna laakiinse taariikh xumi ma dhayanto,
Gobolada SSC waxaa Astaan u ah Gumaysi la dirir uma ahaa Astaan Gumaysi Raac,
Markasto taladaadu gasho gacan kale waxaa imaan doona wax yaabo badan oo qariib ah sida tan oo kale in dhulkii Daraawiishta loola Hunguroodo kala goyn dalka ah in laga Abaabulo kadibna laga ruxo Calanki Reer London ee 100 sano ka hor sidii Dalka looga Xoreen laha dad ka badan Haaf Milyan inooga dhinten,,
Comments are closed.