Garoowe{ Khaatumo News }M/weyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu todobaadka dambe Boosaaso u safro, si loo xalliyo Arrinta PSF.,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
MD Siciid Deni, ayaa doonaya in uu Boosaaso kula kulmo qaar kamid ah Isimada dhaqanka Gobolka Bari, oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Deni iyo Boqor Burhaan oo Khadka Taleefonka ku wada-hadlay ayaa ku ballamay in Boosaaso lagu kulmo, sida ay Khaatumo News u xaqiijiyeen dhinacyo kala duwan.
“ Madaxweynaha iyo Boqorku waa wada-hadleen waxaana lagu ballamay in Boosaaso lagu kulmo islamarkaana si hoose loo xalliyo Arrintaas” ayuu yiri qof ka war-haya labada dhinac.
Isimada uu hoggaaminayo Boqor Burhaan ayaa horay u soo saaray go’aanno ku saabsan xallinta khilaafkii ka dhashay Hay’adda PSF.