Wefti u hogaaminaayo Axmed Karaash ayaa muqaal isaga duubay Goob aan ahayn halkii dhibtu ka dhacday ee saaxmaygaag kadib markii ay tagi kari waayen Axmed Karash iyo Isimo la socday Jiidaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka Xasan Ugaas oo ka Amar qaadanaya Ugaas cabdirashiid Xasan.

Isimada waxaa la socda Ugaas Maxamuud taaso sababtay in Weftiga karaash ay meel cidlo ah isaga duuban muqaal iyago caawa halkaasi u hoyday una sheegaya Beesha Majeerten iyo hartigaba nabad been been ah iyo matalaad aan jirin.

Sida aan xogta ku helnay Ugaas Cabdirashiid oo ku sugan laascaanood wuxuu amar ku bixiyay in aysan fooda soo galin weftiga karaash iyo Ugaas ,Maxamuud Jiida taaso dhabar jab weyn ku noqotay Weftgan ka soo baqo cararay Garoowe,

Dagaalkan ka socda Saaxmaygaag ayaa ah mid dhinacyo badan taaso cilada ugu weyn tahay In Talada Xasan Ugaas ay isku haystan labo Ugaas taaso sababtay in dagaalkani sii dheeraado la isuguna awood sheegto cida sida dhabta ah beesha u haysa hogaankeeda matalaad nabad iyo colaadba,

Axmed Karaash .garaad Cabdisalaan garaad jaamaca Jamac siyaad iyo ugaas maxamuud midna talada colaadan gacanta uguma jirto waxayna tani keeni karta in iyago goobta ku sugan xabadu ku bilaabato mar kale maadaba ugaaska Gacanta ku haya Colaadan uu ku sugan yahay laascaanood loona baahan yahay in laga raadiyo nabada ugaska.