Waxaa khilaaf xoogan oo dhanka dhaqanka ah soo kala dhex galay beesha Bahwadaagta reer salaax ee warsangali taaso isku khilaaftay cida u noqonasa Garaad beesha.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Beeshu markay isku khilaaftay Hogaanka dhaqan waxay beesha qeyb kamid ah ay doorten 16 bishan Garaad lagu magacaabo garaad Muuse waxayna ku doorten Deegaanka Xiiganlool ee gobolka sanaag caleema saarka garadka lagu doortay xiingalool maysan imaan isimada Kale Warsangali iyo kuwa majeerten.

Maanta oo ah 30 bishana waxaa deegaanka Midigale ee gobolka sanaag lagu doortay oo Beesha Bahwadaagtii reer salaax ee iskhlaaftay qeyb kamid ah dooratay Nin lagu magacaabo Maxamed Cabdilaahi iyadoo caleema saarka Ninkaasi ay diiden isimada Majeerten iyo kuwa warsangali inay yimaadan maadaba aysan imaan kii hore iskana diiden ku dhex milanka beel iskhilaafsan oo qoryo isla horfadhida balse waxaa goobta tagay afar kamid ah kuwa dhulbahante iyadoo deegaankoodii dhiig baxaayo.

Dadka SSC ayaa is weydiinaya Afartan meesha tagay doolaalo dheera Ninkii la dariska Ahaa ee majeerten iyo kuwii ay wada dhashen ee warsangali wey iska diiden iyago iska uruurinaya khilaafka Beesha inay ku iulman balse Kooxdan afarta ah ayaa dalaq tidhi intay ka soo boodhiyen Magaalada isaaqu guumaysto ee Laascaanood.

Afartan ayaa kala ah Garad jamac oo heshiisiin kari waayay Beeshiisa iyo Beesha kale Ugaadhyahan.

Ugaas Maxamuud oo 4 bilood Beeshiisi ugaasyo iyo Beel kamid ah Ciise maxamud isku dilayan Duleedka Baoocame.

Suldan siciid oo isagu la iska badalay oo beesha khaalidna ka dooratay garaad kale. iyo mid lagu magcaabo Garaad Cabdisalaan oo kamid ah lafa yaryar ee dhulbahante,

Dhabar jabka ugu weyn ee kooxdan soo gaadhay ayaa ah inay ka soo hor madoobaayen afartoodu goob beeli isku khilaaftay oo soomaali dhaqan keedi kale diiday

Comments are closed.