Afarta ugu orodka badan Isimada Dhulbahante ee ku caanbaxay maalinkasta inay ka soo muuqdan xaflad reer is-haya ayaa maanta kasoo muuqday Tuulada midigale ee Gobolka sanaag oo nin warsangali ah isku caleema saraayo .
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Afartan ayaa halis ugu jira in maalinta danbe in lagu dhex dilo xaflad la isku khilaafsan yahay oo ay ku dhexjiran.
Waxaa tuulada midigale ee Gobolka sanaag maanta isku caleema saaraya Nin Lagu magacaabo Maxamed Cabdilaahi kaaso Sheeganaya Garaadka Beesha Reer Saalax ee warsangal,
Madasha waxaa ka soo muuqday afar kamid ah Isimada Beelaha kala ah Jaamac Siyaad, Khaalid, Ugaasyo iyo Cumar wacays, ee dhulbahante waxayna u Raashin doonten Xaflada Midigale xili midkasta uu gabay Qoyskii uu dhulbahante uga ahaa masuulka islamarkaana halkaas waxay utagen xasarad iyo la kala safasho reer is haya.
Ugaas Maxamuud oo Beesha xasan Ugaas ee dhulbahnate usheegta inuu u yahay Ugaas ayaa xaflada ka soo muuqday iyado Maydka iyo dhaawaca beeshiisa Ugaasyo tiro beelay islamarkaana yaalan Hosbitaalada laascaanood.
Sidoo kale waxaa madasha ka soo muuqday Suldaan Siciid oo markii uu gabay beesha khaalid beeshu dooratay Garaad Maxamed Xirsi Ducaale waxaana suldaankaasi lagu xasuusta Shalay mar uu dhiigyacab ina kaahin jilbaha ku dhex haystay shirkii Yagoori.
Madasha isna waxa ka soo Muuqday Cabdisalaan-ka cumar wacays kaaso maalinba meel uqadataga.
Madasha isna waxaa kasoo muuqday Ina Garaad jaamciilkii – jaamac siyaad oo shirkii Beeshiisa iyo beesha Ugaadhyahan uu ina kaahin kala wareegay
Afartan waxaa u dheer intaas in midkasta Markuu reerkiisa gabay la doortay isim kale taasina ay sababtay in kalsoonii ka lunto oo maalinkasta ay is taagan xaflad nin isku cimamadaayo.
Nin Cimaamdiisi la qaatay nin kale cimaadam ma ku celin kara,
Maxayse tadhi karan afartan Ninka warsangali ee isku cimaamadaya tuulada Midigale ee aan haysan beeshiisa.




Comments are closed.