Deegaanka Midigale ee gobolka sanaag waxaa ka tagaan xiisad dagaal oo U dhaxaysa Beesha Reer Saalax ee warsangali kuwaaso isku haya Caleema saar deegaankaasi ka dhacaya 30 bishan.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Beesha Ayaa hore waxay u caleema saaratay Garaad Muuse halka beesha qeyb kalana caleemo saaranaso Maxamed Cabdilaahi Ciid taaso sababtay in beeshu ku heshiin weydo arrimahan kadib waxaa deegaankaasi ka taagan xiisad amni daro iyo ciidaamo beeleedyo tiro badan oo iska soo hor jeeda.
Maleeshiyo beeleed badan ayaa la dhigay jidadka soo gala Deegaankaasi Midigale iyadoo labada garab ee beeshaasi u kala jabtay isku horfadhiyan Deegaankaasi.
Axmed karaash oo kamid ah Masuuliyiinta Puntland ayaa la sheegay in lagu casuumay goobtan dabku ka holcaayo ee Beeshu isku horfadhido
Wararku waxay sheegayan in Ciidamo hubaysan la dhigay jidka soo gala Midigale si ay isku hortaagan Axmed karaash.
Dhanka kale odayaasha Beesha reer Saalax oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Axmed Karaash in uu naftiisa u tudho islamarkaana uusan soo dhexgalin Reerka khilaafkooda.
Xiisaadan Ayaa imaanasa iyadoo Deegaanka Midigale beesha Reer Saalax qeyb kamid ah doonayan inay ku caleema saaran garad kale iyadoo 16 bishan Deegaanka Xiingalool beeshu ku caleemo saaratay garaad kale,
Comments are closed.