Deegaanka Yagoori ee Gobolka sool waxaa maalintii Sagaalaad aan furmin shirki beelaha Jaamac siyaad iyo Ugaadhyahan.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Shirka oo mudo sagaal casho ah Ergadu ku sugan tahay Deegaanka Yagoor wali lama gudo galin arrimaha shirka sababo la xidhiidha khilaaf iyo isfahan daro ka taagan shirka una dhexaysa beelaha Jaamac Siyaad iyo Ugaadhyahan.

Walaaca ugu weyn ee shirkan laga qabo ayaa ah Fashil iyo in uu lamid noqdo kii tuulada Adhicadeeye ka dhacay oo kale.

Khalkhalka ugu weyn shirka ayaa ah mid Jabhada SNm ka danbayso kadib markii laaluush lagu kala qeybiyay ergada shirka,

Xogta Khaatumo News helayso ayaa sheegaysa in khalkhalka ugu weyn ee shirka uu ka socdo dhanka Beesha ugaadhyahan oo aad u xiiseenaysa Soo dhexgalka SNM ee shirka.

Jabhada SNM ayaa laaluush badan ku bixisay shirkaas si uusan u midho dhalin iyadoo ergada labada beelood hoosta laga siiyay lacag si ay shirka u fashiliyan.

Comments are closed.