Shabakada Khaatumo News Soo Heshay Liiska Isimada Ina Kaahin Siiyay Lacagta Iyo Tirada Lacagta Lasiiyay,

Shabakada Caalamiga ah ee Khaatumo News Ayaa dabagal xoogan ku samaysay Dhawr kamid ah Isimada Beelaha Dhulbahante qaar kamid ah oo Wasiirka Arrimaha Gudaha SNM Lacag ugu qeybiyay Shirkii Yagoori,

Liiska Isimada Lacagta loo qeybiyay ayaa ka kooban Afar isim iyo labo hore ugu jiray SNM.

Garaad Cabdisalaan oo Cumar wacays u ah Garaad ,

Garaad Saleebaan Buraale oo Yaxye u ah Garaad…

Ugaas Maxamuud oo Beesha Xasan ugaas ku muran san tahay ugaas-nimadiisa.

Suldaan Siciid oo Beesha Khaalid Mudo u ahaa Suldaan balse hada labadalay beeshuna samaysatay Garaad.

Afarta Isim ayaa kamid ahaa Isimada Maxamed Kaahin lacagta siiyay .

Qadarka lacagta Ah ee lasiiyay ayaa dhamayd Halkii isimba $1000 Dollar,

Kooxdan Isimad ah ayaa Bishii hore Laga soo Eryay Garoowe Kadib markii Madaxweyne Deni sheegay in uusan u aqoonsanen isimo Puntland madaba ay marna Laascaanood uga sacabiyan SNM marna Garoowe usoo yaacayan

5 Comments