War Deg Deg Ah:Barlamaanka Puntland Oo Mooshin Halis ah Wada iyo Tirada Xildhibaanada
November 26, 2021
In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, ayaa doonaya in mooshin lagu buriyo Heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.
Qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamanka, oo aan rabin in magacyadooda la xigto, ayaa Khaatumo News u sheegay in 41 mudane diyaar u yihiin Mooshinka lagu burinayo Heshiiska DP World.
Mooshinkaas ayaa u muuqda mid xooggan oo aysan waxba ka qaban karin Guddoonka Baarlamanka iyo Xukuumadda midna, islamarkaana meesha ka saari doona Heshiiska P&O Port.
Shirkadda P&O (DP World) ayaa heshiis kula wareegtay dekedda Boosaaso sannadkii 2017 xilligaas oo ay sheegtay in ay mudda laba sano ah ku dhisi doonto, balse weli wax shaqo ah kama qaban.
3 Comments
Reer KOONFURKU isma dhaamaan waa dad aan caqli badan iyo aqoontoona wadan laakiin ka siman xasadka iyo xumaanta, tusaale Majeerteeniya oo marna sheeata gobalada jamhuuriyadda Somaliland qaar ka mid ah marna ku hinaasaysa horumarka markii hore sida fiican loo dhigay ee dekadda caalamiga ah iyo madaarka duwaliga ah ee Berbera.
reer berbera rag rag dhalay qalqal sada waxkasto oo wadanka lagu dhisaayo immarado 30sano majiraya albaabkasta qaraaca wixii horomar ino raadsha kuwaan hartigu waa isku habsaame caqli meesha kuma hayaan
wallee reer berbera rag