Wararkii ugu Danbeeyay Xaalada Boosaaso

Ciidamo ka tirsan PSF oo ka soo baxay buuraleyda Golis ayaa dib ugu laabtay xarunta PSF ku leedahay magaalada Boosaaso, balse wax dhaq dhaqaaq ah kama samayn magaalada.

Ciidankaas ayaa sida la xaqiijiyay ka gadoodsan xilka qaadistii Madaxweyne Siciid Deni ku sameeyay Agaasimaha hay’adda PSF, Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

Madaxweynaha Puntland ayaa Agaasimaha cusub ee PSF u magacaabay Sarreeye Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr, waxaase tallaabadaas ka horyimid hoggaanka hay’adda PSF.

Sidoo kale, dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay ciidamo dheeriya gaysay Boosaaso, kuwaas oo qaarkood shalay halkaasi gaaray.

2 Comments

  1. Aniga waxay ila tahay in badalka taliyaha lagu degdegay! ciidanka psf waxay u muuqdaan kuwo aan toos uga amar qaadanin dowladda puntland, marka mr dani hadduu xaalku saas yahay waxay ahayd inuu kala hadlo ciidanka psf cidda ay ka amar qaataan ama samaysayba oo aan maqlay inuu yahay taliska maraykanka ee africom!

    Dani waxaan maqlay in lagu xanto caqli yari waabana u egyahay nin caqli yar markaad eegto hab dhaqankiisa, isagoo ummad dhan madaxweyne u ah buu waxaan sagaaro ka biidhsan ka xanaaqayaa oo waliba sababa gacan ka hadal!

    Aniga waxay ila tahay in arrinkaan ay soo dhexgalaan isimadu oo si nabada lagu xalliyaa. arimaha puntland xogogaal uma ihi kamana soo jeedo ee kaliya waxaa I dhibaysa nabadda iyo horumarka shacabka puntland samaysteen in la carqaladeeyo waayo waa dad in lagu daydo mudan.

  2. ilama daiaano muxu karaba damerka feeraha weeyn doqon dadkii meley ka galaan waayeen farmajo cadow ilma daino cadow qofkii ila hadfala cadow war dameeryo meel fariiso dhulka kada dagaalka

Comments are closed.