Sidana waa dhacdaa, doorashadii “Somaliland” ayuu xildhibaan uga sharaxnaa, saakana Muqdishuu xildhibaanka yahay.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Carta intaan laysugu tagin ayaa nin wuxuu u tagay Ciqaal Ilaahay hawnaxariistee, wuxuu ku yidhi Agaasime iga dhig, Cigaal waa ka diiday, maalintii danbe ayaa Carta laysugu tagay, shirkii Carta ayuu ninkii ka qayb galay, Xildhibaan ayuu noqday, wasiirkii Caafimaadka ee xukuumadihii Cali Khaliif, iyo Xasan Abshir IHN iyagana waa ka qayb galay.
Cigaalow ayuu odhan agaasime ayaad iidiidee Xildhibaan iyo Wasiir ma kugu noqday la aqoonsan yahay.
2003 ayaan Burco maalin anoo Wargeyska Jamhuuriya ku akhrisanaya waxaan ku arkay ninkii oo lagu waraysanayo oo la cafiyey oo leh Cigaal Agaasimuu iidiidey anna Waan cadhooday oo waanigaa dusha kaga imi.
Dhacdooyinkani waa tiro badan yihiin, waxaase laga yaabaa afarsano ka dib in la arko sidii ninkaa xilligaa iyo Qodax isaga oo leh halay cafiyo.
Comments are closed.