Jabhada SNM oo Weerartay Gudoomiyaha Barlamaanka Putland

Deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayeey ciidamada Somaliland ay maanta halkaas ka wadaan dhaqdhaqaaq xooggan oo ku jihaysan dhinaca Hadaaftimo.

Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku hubaysan in ka badan 18 gaadiidka dagaalka ah ayaa sida la xaqiijiyay ka ruqaansaday degaanka Yubbe islamarkaana waxay ku sii jeedaan dhinaca Hadaaftimo oo Puntland gacanta ku hayso.

Dhaqdhaqaaqa Somaliland ayaa bilowday kadib markii maanta uu Hadaaftimo booqday Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo sida la sheegay halkaas u tegay arrima la xiriira diiwaan-gelinta Ciidamada.

Dhinaca kale wax dhaqdhaaaq iyo abaabul ah lagama soo werin Ciidamada difaaca Puntland oo fadhiya jiidda Kalgubataale ee u dhexaysa Yubbe iyo Hadaaftimo.

4 Comments

  1. Waxaan hubaa beesha warsangeli ee harti inay yihiin libaaxyo aan af toodda qori laga jabsan karayn.
    Waxaan hubaa innaan ciyaar ciyaar aaanay ugu tegayn nin dhulkiisa ku dhimanaya.
    My Warsangeli brothers I hope the best.
    Long live warsangeli sultanate.

  2. Somalia waxaa lagu tiriyaa wadamada SAXAARAHA ah khariidadaha caalamka eeg waxay muujinayaan Somalia waa Sahara

  3. Khiyaali news.
    Banaan cidla iyo geed hoostii ayaa lagu shirey ama cid lagu soo dhaweeyey ayuunbaad soo dhigtaa meesha magaalo, tuulo iwm ma jiraan miyaa???

    Bal kan aad gudoomiyaha KU sheegeysee geri go anta baabuurka dushiisa KU taagan day.

  4. dulkaas qalalan maxaa lagaga dagaalamin intii dhalin yaro muslima ku dhiman lahayd ceelal ha looqodo meeshu waxay u egtahay saxaradii libia oo ku dhimanjireen kumanaal somali ah rag iyo dumar warhooyo muslim baad tihin ha isdilinina waa waxa abaaru inoogu daba dheeeraadeen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *