Waxaa Shalay ka dagay caasimada soomaaliya Muqdisho Boqor Buurmadow oo kamid ah Golaha dhaqanka Beesha Isaaq kuwooda ugu magaca caansan,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Socdaalka Buurmadow dad badan oo ku sugan Gobolada Beesha ISaaq waxay ka muujiyen walaac sidoo kale Dadka reer Muqdisho ayaa iyana u arka sida si ka duwan.
Xog dheeraad ah oo soo baxday ayaa sheegaysa in Safarka Boqor Buurmadow ku tagay Muqdisho uu qeyb weyn ka yahay Horjoogaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin.
Labada Xubnood ayaa Bixiyay Safarka Boqor Buurmadow ku tagay Muqdisho dhaqaalaha ku baxay iyo Soodhaweynta loo sameeyay dhaqaalaha ku baxay waxaana lacagtaas soodhaweynta lagu diray Mahdi Guuleed Raysal wasaare KU xigeenka SOomaaliya.
Xubnaha isaaq ee ku jira Dawlada fadaraalka soomaaliya sida Cabdi xaashi Mahdi, Xildhibaan Dube, iyo xubno kale oo badan oo Beesha isaaq ku matala Muqdisho iyo Taliska Muuse Biixi Ayaa yeeshay Xidhiidh wadahadal kaaso ujeedkiisa Ahaa in Kuraasta aqalka hoose iyo kuwa sare beesha isaaq ku yeelaan doonto Barlamaanka soomaaliya 2021 in laga badbaadiyo Farmaajo oo uusan helin codkooda waxayna hoosta kawada xariiqen Heshiis ah in Kuraasta soo baxsa la mideeyo islamarkaana Musharax hawiye ah lasiiyo codka.
Buurmadow ayaa loo soo diray isku duba ridka hawshaas iyo mideenta Codka beesha isaaq ee labada aqal ee soomaaliya.
Shaxda ugu weyn ee Xubnaha isaaq ciyaarayaan ayaa ah in labo garab la iska dhigo oo is haya kadib marka ay soo wada baxan Kuraasta aqalka sare iyo kuwa hoose in la midooyo loona midooyo in aysan Farmaajo dooran
Xogtan Oo Shabakadda Khaatumo News Heshay ayaa shaaca ka qadaysa in Boqor Buurmadow Socdaalkiisu salka ku hayo Qorshahaas oo ah mid xidhiidhsan oo Muuse ilaa Mahdiga Xamar ka midaysan yihin,
Dadka qaar ayaa aaminsan in Boqor Buurmadow xamar u tagay Siyaasad kale oo wax yeelo ku ah Maamulkooda SNM Balse Qorshaha ugu weyn ayaa ah in dagaal lagu qaado Farmaajo
Comments are closed.