Waxaa Maanta lagu waday in uu furmo shir weynihii Nabada Ee Beelaha Jaamac Siyaad iyo Ugaadhayan kaaso gogoshiisu taalay Yagoori islamarkaana ay dhigen Beesha Jaamac Siyaad una dhigen Beesha Ugaadhyahan,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Shirkan Nabada ooalagu xalin laha dhimasho dad badan oo labada Beelood iska dilen ayaa loo balan sana 15 bishan oo maanta ah balse ma aysan suuro galin kadib markii beesha ugaadhyahan kusoo xaadiri weyday xili shirkaas ay iclaamisay Beesha Jaamac Siyaad.
Xog Dheeraad ah oo Khaatumo News heshay Ayaa sheegaysa in Beesha Ugaadhyahan dhexdeeda ay ka tagan tahay xaalad isku fahan la aan ah waxaana jira is diidooyin xoogaan oo ka imaanaya Beesha Ugaadhyahan,.
Xogta Ayaa intaas Ku daraysa in Beesha Ugaadhyahan u balansan tahay in shir ka dhaco Degmada Xudun maalmaha inagu soo aadan iyadoo an la Aqoon in shirkaasi noqon doono mid lagu dhameeyo waxyaabaha hor taagan in la aado shirka Nabada Yagoori iyo in kale.
Masuul ka tirsan Beesha Neeleeye axmed oo ku sugan Xudun ayaa u sheegay Khaatumonews.com in Shirkii Yagoori aysan suuro gal ahayn in hada uu ku dhaco xiliga la iclaamiyay wuxuuna ka gaabsaday mar aanu weydiinay xiliga rasmiga ah ee shirkaas ay xaadirayan balse wuxuu hadalka noogu soo gaabiyay ”shir ayaanu u balan sanahay Degmada Xudun hadaanu nahay Beesha ugaadhyahan’
Beesha Jaamac siyaad ayaa mudo haatan 20 maalin waxa u xidh xidhan goobtii shirka sidoo kale waxaa isku dul saaran Midiyaha iyo xoolaha loo diyaariyay ergada waxaa intaas u dheer guryaha martida iyana mudo goglan balse xaadu ilaa hada Calaamad su aal ayaa saran.
Comments are closed.