Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa markale dib loogu doortay xubin ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Glamuudug.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Cawil Nuur Cali oo kala qeyb-galayey doorashada.
Xildhibaanada Galmudug ayaa codka siiyey Qeybdiid, wuxuuna helay 83 cod, sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka.
Natiijada doorashada ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, isla-markaana loo saadaalinayey inuu kusoo baxayo Cabdi Qeybdiid oo haatan ka mid ah saaxibada Qoor Qoor.