Waxaa guud ahaan goobta laga saaray Saamigii Beesha cumar Wacays ku lahayd Xildbaanada Beelweynta Maxamuud Garaad taaso sanadka la kulantay Dagaal adag oo uga yimid dhanka Puntland oo kaashanasa Isimo iyo Siyasiyiin Uu dagaal la galay Beeshooda Garaadka Beeshaasi Cumar Wacays Mr hure,

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Beesha Cumar Wacays Ayaa Saamigii ay ku lahayd Aqalka sare dawlada soomaaliya waxaa la siiyay Wasiir Timacade.

Beesha Cumar wacays xogta aanu helano sababta looga saaray goobta waxaa sabab u ah saan xog ku helnay Garaad Hure ama garaad Cabdisalaan oo beeshiisa usoo jiiday Godob siyaasadeed iyo Mid beeleed oo dhulbahante dhexdiisa ah taaso sabab u noqotay in Masraxa siyaasada Puntland Laga tirtiro Hure iyo Beesha uu isimka u Ahaa,

Garaad Hure Oo Ku caan baxay duulduulka arrimaha Dhulbahante dhexdiisa Ah ayaa haatan lagu ooday geed cidlo ah iyadoo tiraba sadex jeer laga celiyay iridka madaxtooyadda puntland isago raba inuu kulan la qaato Madaxweyne Deni,

Khaatumo News Say xogta ku heshay in Garaad Cabdisalaan iyo beeshiisu kala kulanto Puntland Dhirbaaxo Siyaasadeed waxa ka shaqeeyay isimo Reer Hawd ah iyo Siyaasiyiin isugu jira saraakiil ciidan iyo xubno kale oo madaxweyne Deni ku dhow kuwaaso ka aargoostay Mr Hure,

Garaad Cabdisalaan Mr Hure ayaa sidoo kale Puntland ku heshay inuu kamid yahay isimada Laga laaluusho Hargaysa kana mushahaar qaata Jabhada SNM iyadoo la sheegay in Bishi lasiiyo 400 Dollar,,

Beesha Cumar Wacays waxay 31 Bishii dhamaatay kula shirtay Garaad Cabdisalaan Mr hure Duleedka garoowe iyagoo aad isu weydiiyay Dagaalkan beeshu wajahday iyo culeeskan fuulay Hure in uu faahfaahin ka bixiyo,

Dhanka kale Garaad Cabdisalaan ayaa sidoo kale Cabasho ugu tagay Isimada majeerten kuwaaso u kala hadlay inay kala hadlan Deni balse waxay ugu jawaaben in aysan waxba ka qaban karin xaaladad dhulbahante dhexdiisa ah ee is haysiga siyaasadeed,,