Waxaa ka socda Gobolka sool Gaar ahaan Magaalada Laascaanood xidhxidh aan loo meel dayin kaaso Maamulka Beesha Isaaq uu jeelasha gobolka ku guray dhalinyaro rag iyo dumar u badan kuwaaso aan waxba galabsan balse u jeedku yahay in lagu cabsi galiyo bulshada Laascaanood laguna bahdilo Shacabka Dhulbahante,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dadkan la xidhay ayaa u badan Beelaha Ugaadhyahan iyo Bahrarsame kuwaaso inta badan ay hada ku jiran Xabsiyada Laascaanood halka qaarna loo dhaadhiciyay Jeelka Hargaysa iyo Mandheera,
Sidoo kale Guryaha Habeenkii Jabhada SNM u dhacdo ayaa u badan Guryaha Beelaha Ugaadhyahan iyo Bahrarsame.
Laascaanood ayaa haatan ku jirta xaalad adag sidoo kale Gudaha Magaalada Laascaanood Jabhada SNM ee ina kaahin hada u fadhiyo Laascaanood waxay ku siidaysay Dad dharcad ah oo u basaasa Shacabka.
Sidoo kale waxaa iyana si joogto ah u socda in habeenkii loo daato guryaha Magaalada Laascaanood.
Su’aasha is weydiinta leh ayaa ah maxay tahay Sababta SNM u beegsaanso Beelaha Ugaadhyahan iyo Bahrarasame
Waxa jira warar hoose Oo Khaatumo News helayso oo sheegaya in Dadka dharcada ah ee basaasiinta U Ah SNM una shaqeeya ay u badan yihiin labada beelood ee Ugaadhyahan iyo Bahrarsame taasina ay keentay inay farta ugu fiican isla ehelkooda Jabhada SNM