War Deg Deg Ah:-Farmaajo Dalka ka Baxay Maanta iyo Halku u safray

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u safray magaalada Addis ababa ee waddanka Itoobiya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu u safray Addis Ababa halkaas oo uu kaga qayb-galayo dhismaha xukuumadda cusub ee Itoobiya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u safray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan xafladda dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya.”

1 Comment

  1. Kanu waa xayawaankii iyo doqontii ugu weyneyd ee abid soo marta Qaranka Somalia.Kaaga darane wuxuu u hambalyeeynaya keligii taliye (dictator) boqolkiiba sagaashan (98% ) cod helay diyaarad u raacaya oo dhaqaalihii qaranka Somalia u qasaaraynnaya.kaaga sii darane waa nin waqtigii ka dhamaaday oo sharci daro ku jooga xafiiska

Comments are closed.