Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa dedaalkasta ku bixiyay sidee Wasiir Dubbe, loogu ciqaabi lahaa in uu u hogaansamo amarkii Raysalwasaare Rooble ee wararka Madaxweynaha lagaga mamnuucay warbaahinta dawladda.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Murashaxa la tartamayay Dubbe oo ahaa Xildhibaankii kursiga ku fadhiyay ayaa xalay looga yeedhay qasirga waxaana lagu soo hubeeyay dhaqaale buuran si uu daaqada uga saaro Dubbe oo uu kursiga ugaga guulaysto.
Cabdikarin Cirife, ayaa dhaqaalaha Farmaajo soo siiyay ergada u qaybinayay ilaa Xalay wuxuna qasriga usheegay inay guulaysteen Dubbena uu jeebkiisa ku reebay.
Villa soomaaliya, oo durbanada u tumanaysay inay soo idleeyeen damaca siyaasiga ah ee Dubbe oo aanay markan u arkaynin mid raalligelinayaa ayay ciyaartu isku rogtay kaddib markii goordhoweyd Ergada codaynaysaa ay ka cuneen oo ka codeeyeen Murashaxii Farmaajo Dubbe kula dagaalamayay.
Odayaasha dhaqanka Gobolada Woqooyi ayaa iisheegay inay Dubbe u arkaan Siyaasi han leh oo aanay ku doorsanaynin mid damaca iyo doonista ninkale hagayso.
Comments are closed.