Ciidamada Dawlada Puntland ayaa jidka u goostay wasiir Jamaal oo kamid ah Golaha wasiirada Dawlada soomaaliya oo Dhahar ka soo safray kuna soo jeeday garoowe.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Wasiir Xildhibaan Jamaal Maxamed Xassan iyo wafdi uu hogaaminayo oo kusoo wajahan Garowe ayaa laga hor istaagay inay usoo gudbaan magaalada, waxana lagu celiyey degaanka Sin-ujiif ee Garowe.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa loo sheegay in aan loo ogolaanaynin ilaalada la socota inay Garowe galaan,

ilaalada wasiirka ayaa wata hal gaari, waxana ay ka tirsanyihiin ciidamada Puntland, dhammaan gadiidkii kale ee sugida amniga wasiirka intii uu ku jiray safarkiisa, waxa ay ku laabteen Dhahar, ka hor intaanay soo dhaafin Dangorayo.

Comments are closed.