Shir Laascaanood Ka Dhacay Iyo Dhagarta Ku Duugan Maxaase Kala Socota Xubnaha Gudiga ah oo Qoorta Loo Galiyay Dhagar iyo cida ay la shaqeenayan Xog Culus Akhriso

Magaalada Laascaanood waxaa ka dhacay maanta shir ay tagen dad u badan Dumar iyo dhalinyaro shirka waxaan tagin oo iska diiday Haldoorka Gobolka iyo Culimada kuwaaso u arkay shirqool hor leh iyo dhagar cadwoga haysta gobolka loogu tilmaamayo shaqsiyaadka diidan ,

Shirka waxaa soo Abaabulay maamulka isaaq iyagoo usoo dhibay xubno Reer Laascaanood ah kuwaaso iyana u galiyay shirka Shaadh ah wuu ka madax banaan yahay SNM.

Ujeedka shirka Ayaa ahaa sidii loo dajin laha Dareenka shacabka Laascaanood islamarkaana looga dhigilaha in Bulshadu ka tashanayan aayahooda.

Qorshaha kale shirkan maamulka isaaq ka leeyahay ayaa ah inay Calaamad sadan hal door hor leh oo la qaarajiyo si ay u ogaadan cida muhiimka u ah gobolka ee diidan maamulkaas iyo dilalka aarsiga ah.

Shirka waxaa laga qabtay Guddi Beelaha dhulbahante gobolka loo qeybiyay kuwaaso maamulka isaaq kala shaqeenaya wax loogu yeedhay amniga gobolka waana ujeedka kaliye shirkan loo abaabulay

Waxaa layaab leh in xubnahan loo galinaayo dhagarta qoorta lagu yidhaahdo la shaqeeya kuwii dadka Tooganaayay

Waxaase ka sii halis badan in xubnahan laftooda qoorta loo galiyay shirqool culus oo iyaga naftooda ay halis ku jiran.

Bulshada ayaa durba ku gacan seydhay xubnahan waxaana loogu baaqay in ay faraha kala baxan shirqoolkan maamulka isaaq,

2 Comments

  1. Khiyaali news.
    Wixii xunba caashaa iska leh.

  2. Minaa tashan weydid, maxaa ku diidin in laguu taliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *